Qurba joogta somalida oo loogu baaqay in dalkooda ay dhistaan.
Nairobi June 1, 2013(SDN)- M/weyne ku xigeenka wadanka Kenya William Ruto oo hadal ka jeedinayay shirkii Japan ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa waxaa uu ugu baaqay qurbo joogta Soomaalida ee dibbadaha ku nool inaydalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay dib u dhis ku sameystaan sida uuyiri.
William Ruto waxaa uu xusay in wadada kaliya ee muuqata ee Soomaaliya dib u dhis loogu sameyn karo ay tahay in Soomaalida dibbadaha ku nool ay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay maal gashtaan.
M/weyne ku xigeenka Kenya waxaa uu xusay in inkastoo Soomaalida ay beesha caalamka weydiisato taageero caalami ah haddana loo baahan yahay in xisaabta lagu darsado in Soomaalida dibadaha ku nool ay doorkooda ka qaataan dib u dhiska iyo maalgashiga dalkooda.
“Soomaalida dibadaha joogta waxaan leeyahay aada wadankiina oo dib u dhis ku sameysta taasi waa wadada kaliya ee Soomaaliya lagu caawin karo” ayuu yiri William Ruto M/weyne ku xigeenka Kenya.
Sidoo kale waxaa uu xusay in hadda ay dawladiisu wado qorshe ay qaxootiga Soomaalida ah dib ugu celinayso dalka Soomaaliya ayagoo gacan ka helaya hay’addaha Q,M eek u shaqada leh.
“Dhawaan waxaan Nairobi ku qabanaynaa shir aanu kaga arrinsanayso dib u celinta qaxootiga Soomaaliya waxaana kaalmo weydiisanay hay’adaha samafalka arrintaasna inaan ku guulaysan doonto ayay u badan tahay” ayuu Ruto.
Soomaali badan oo dibaddaha muddo ku nool oo hadda dalka dib ugu soo laabtay ayaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ka sameeyay dib u dhis iyo maalgashi, dhawr jeer ayaana logu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dalka dhisaan.