Qunsuliyaddii Ethiopia Ku Lahayd Gudaha Garowe Oo Joojisay Bixinta Dal-ku-galkeeda(visa) Kadib Weerarkii Lagu Laayey Shaqaalihii UN-ta
Garoowe:April,22,2015(SDN/QJ)-Xafiiska uu Qunsulka Ethiopia ufadhiya Magaalada Garowe, ayaa hakiyey bixinta Fiisayaasha loo goosto Dalka Ethiopia wixii ka dambeeyey qaraxii dorraad lagu qaaday Shaqaale katirsan Un-ta oo dhimasho badani ka dhalatay.
Dad badan oo tegey xarunta qunsuliyadda ayaa dib usoo laabtey kadib markii lagu wargeliyey in aan wax fiise ah la siin doonin.
Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda ayaa dadka u sheegay in sababta bixinta fiisaha loo joojiyey la xidhiidho qaraxii dorraad ka dhacay magaalada Garowe ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobey.
Lama oga in go’aanka Ethiopia yahay mid kumeel gaadh ah iyo in sidaas lagu joojiyey hawlihii qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe.
Ethiopia ayaa og cadaawadda Kooxda Al-shabaab u hayso, waxana ay taxadar badan ka muujinaysaa weerarro suurtogal ah oo shabaabku xafiiskooda usoo maleegaan.
hore u xidhey qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Hargeysa, waxayna qunsuliyaddii Hargeysa haaan .
SDN/QJ