Qul-qulatooyinka Turkiga ooLaga Cabsi Qabo Inay Galaaftaan Xukuumadda Ankara
Ankara (SDN/Hubaal)- Dawlada Turkiga ayaa la tacaalaysa Kumanaan shacab Turki ah ayaa maalintii sadexaad mudaaharaadyo waaweyn ka wada inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo weli ka socda Ankara iyo Istanbuul.
Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa sheegaya in dad ka badan 15-kun oo qof ay maanta isugusoo baxeen magaalada Ankara ee caasimadda ah, iyadoo Mudaharaadyadu bilawgii ka bilaabmeen barxada Istanbuul oo dad ganacsato ah la siiyay, taas oo ka cadhaysiiyay dadka, balse waxay hada mudaharaadyadu isu bedeleen weji siyaasadeed, waxayna kumanaan qof oo isugu soo baxay Fagaarayaasha Anka squire iyo Istanbuul Squire xoog ku galeen dhismayaasha xukuumadda iyo xarunta Booliska.
Laakiin booliska ayaa la tacaalaya, iyadoo loo adeegsaday Biyaha Xoogga badan iyo Rasaasta suntan qiiqa indhaha ka ilamaysiisa, waxaana marar badan dadka laga baaciyay afaafka hore ee Xafiiska Raysal wasaaraha.
Raysal waasare Rajeb Dayib Ordugaan ayaa ugu baaqay dadka inay is dejiyaan oo joojiyaan rabshadaha, balse mudaharaadayaasha ayaa uga dhega adaygay dhawaaqa Raysal wasaare Dayib.
Sidoo kale Mudaaharaadyadu waxay maanta oo sabti ah si xowlli ah uga socdaan magaalada Azmiit oo ah magaalo taariikhi ah, islamarkaana dacalka ku heysa Badda Elijah, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ay isugusoo bexeen dad aan ka yareyn 20-kun oo qof.
Mudaharaadka oo si yar u bilaabmay markii hore ayaa hada u muuqda mid sii xoogaysanaya oo Axsaabta siyaasadu ku lug yeesheen, waxaana qayb ka ah Ururada bulshada Rayidka Turkiga, kuwaas oo ku doodaya in xukuumadda uu madaxda ka yahay Ordogaan ay ku kacday musuq- maasuq, islamarkaana ay dadka ku mashquulinayso mashaariic aan faa’iida ulaheyn dadka Turkiga.
Dhinaca kale waxa soo baxaya baaqyo caalami ah oo lagu canbaaraynayo xukuumadda Anakara, iyadoo Hay’adda Caalamiga ah ee Imnesty International ugu baaqday xukuumadda Ankara in aan awood loo adeegsan dadka shacabka ah ee mudaharaadaya.
Mudahaardyada dalka Turkiga ayaa kusoo beegmay iyadoo Xukuumadda Ankara dhowaan soo geba-gebaysay heshiis ay la gashay gobonimadoonka mudada dheer dagaalka kula jiray dawlada Turkiga ee loo yaqaan PKK.
Sidoo kale kacdoonada ka socda Turkiga ayaa kusoo beegmay, iyadoo dalka Turkigu waqtigan doonayay inuu ka mid noqdo dalalka awooda badan ee dunida wax laga weydiiyo, isagoo tobankii sanandood ee u danbeeyay dhaqaale ahaan iyo Milateri ahaan si weyn ugu kocbay, balse waxa laga cabsi qabaa in kacdoonada ka socda dalka Turkigu noqdaan kuwo horseed u noqda dagaalo iyo bur-bur, maadaaama dagaalada ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya sidan oo kale ay kacdoono ku bilaabmay isu bedeleen dagaalo mudo laba sandood ah socday, kuwaas oo hada u muuqda kuwo ku fidaya mandaqada.
SDN-Ankra
contact@somalidiasporanews.com