|

Qoyskii Ku Eedaysnaa Dilkii Foosha Xumaa Ee Dhawaan Hargeysa ka Dhacay Oo Saaka Maxmadda La Keenay

Hargeysa;08-March-2014(SDN)-Qoyskii Ku Eedaysnaa Dilkii Foosha Xumaa ee Dhawaan Magaalada Hargeysa loogu Geystay Marxuumad Ruqiya Siciid ayaanle ayaa saaka la keenay Maxkamadda.

sidQoyskan ayaa markii maxkamadda la keenayey si weyn loo ilaalinayey, waxana saaka Aagga maxkamadda u dhaw la keenay Ciidamadii abid ugu badnaa ee Halkaas yimaadda, iyadoo aanay jirin cid Halkaas ka  soo dhawaan karaysay.

Dadka shacabka ah iyo warbaahinta ayaan midna loo ogolayn inay Soo Dhawaadaan, waxana Saaka kaliya maxkamadda soo xaadiray Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, mana jirin cid kale oo Halkaas  Soo Fadhiisatay oo Garsorka ka tirsani.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Toddoba cisho oo RUmaan ah dib loogu celiyey Jeelka, iyadoo intaas ka dib loo ballamay in kulan dambe laga Yeesho.

Dadweyne Tiro badan ayaa saaka Buux Dhaafiyey Agagaarka Maxkamdda Qoyskan la keenayey, waxase Inay soo Dhawaadaan diiday ciidan tiro badan oo Halkaas la Dhigay.

Kiiskan ayaa ah midka loogu hadal haynta badan yahay ee Somaliland guud ahaan ka dhacay waxana wali dadku ka dhurssugayaan tallaabada ay xukuumaduu ka qaadato Dilkaas foosha xun ee Dadkii ku eedaysnaa Gacanta lagu hayo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed