|

Qoyska orod yahan Mo Farah oo u lugeyn doona Tuulo ay ku daawadaan tartanka Sabtida ee 5000m

Wajaale Aug 11,2012(SDN)-Qoyska orordyahan Mo Farah oo sabtidii hore bilada dahabka ku guuleystay tartankii 10,000m ayaa waxa ay berito afar KM u lugeyn doonaan tuulada ugu dhaw ee leh TV ay tartanka ka daawadaan sidii ay todobaadkii horeba sameeyeen,sida ay daabacday barta Internetka ee The Guardian.

Faysal Faarax oo ah curadka reer Faarax iyo hooyadii Amran ayaa waxa ay ku nool yihiin tuulo afar km u jirta magaalada Wajaale,Qoyska Mo Farah ayaa halkaa ku leh beero.

Dadka Tuuladaa ku nool ayaa aad u maanaya Mo Farah oo sanadkii mar booqda tuulada,isla markaana gacan qabta dadka dhibaateysan ee agoomaha iyo qaxootigu ka midka yihiin.

“Farxad ayaan qarxay kolkii uu inankeygu ku guuleystay bilada dahabka,dibeda ayaa qeylo ula baxay”ayuu yiri Faysal Farah.

“Farxadiina waxaan dadkii nala daawanayay aan hadiyad ahaan u siiyay Qaad”ayuu raaciyay Faisal Farah.

Warbixinta The Guardian ayaa lagu xusay in Soomaalidu ay berito sheegan doonto in Mo Farah uu iyaga ka mid yahay bacdamaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho,balse qoyska Mo Farah ayaa ah reer Somaliland.

Mo Farah ayaa lagu wadaa berito in uu ku guuleysto tartanka 5,000m oo noqon doonta bilada labaad ee uu kala caraabo tartanka Olympiga ee ka socda London.

SDN-Wajaale

contact@somalidiasporanews.com

Mo

 

Comments are closed