Qorshe Ballaadhan Oo Ganacsatada Soomaalidu Kaga Guurayaan Nairobi Oo Si Dardar ah Ku Socda
Niarobi:June,16,2014(SDN/QJ)-Dhaqdhaqaaqyo laxaad leh oo ay wadaan Ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ayaa laga Dareemayaa Halkaas.
Dadka Hantidooda hore u Geliyey Xaafaddaas ayaa ku Hawllan Qorshe ay kaga Guurayaan Dalkaas, isla-markaana ay ganacsigooda iyo Maaliyadoodaba ula guurayaan Dalalka Jaarka ah ee Bariga Afirka ku Yaalla.
Ganacsatadan ayaa si weyn uga Cabanaynsa Tallaabooyin Qallafsan oo ay Ciidanka Booliska Kenya ku Hayaan muddo badan, waxana ay tirsanayaan Cadaadis ay in badan xukuumadda waddankaasi waxba ka qaban wayday.
Wargeyska daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa daabacay in maal- geliyaasha Xaafadda Eastleigh ay u la baxayaan lacagaha sababo la xidhiidha howlgalka ciidamada oo saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha Kenya.
Xuseen Aar oo ka mid ah ganacsatada xaafadda Eastleigh, ayaa sheegay in dadka ganacsatada ah ay aaminsan yihiin in deegaan ahaan Kenya hadda aanay ku habooneyn in maalgelin ay ku sameystaan.
Waxa uu intaas raaciyay in qaar ka mid ah ganacsatada ay ka dalbadeen dhul ay degaan wadamada Uganda iyo Rwanda si ay halkaas uga bilabaan ganacsi iyo nolol.
Xuseen Aar ayaa sheegay in ganacsato tiradooda lagu qiyaasay 20 kun ay qorsheynayaan inay ka guuraan magaalada Nairobi, kuwasoo u wareejiinaya gancsigooda dalalka Soomaaliya, Tanzania, Malawi, Mozambique iyo magaaladda Dubai ee dalka Isku tagga Imaaradka Carabta.
Dhowr Toddobaad oo howlgalka amniga ee loogu magac daray Usalama Watch, uu ka socday xaaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi si gacanta loogu dhigo dadka sharci darrrada ah iyo kuwo looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay shaqo la’aan, hoos u dhac ku yimid ganacsiga, kirada guryaha iyo welwel ku abuurmay dadka shacabka ah.
Kenya ayaa si weyn ugu tiirsan Ganacsiga Soomaalida Xaafadda Islii oo ay cashuur Badani ka soo gasho, waxana hore dhaawac dhaqaale uga soo gaadhay dhinaca Dalxiiska oo qaraxyada Kooxda Alshabaab Halkaas ka Geysatay sababeen hoos u dhac.
SDN/QJ-
Contact@somalidasporanews.com