|

Qorshaha Muuse Biixi ee waxa xigaya wareega Madax-taabashada iyo culaysyada jira

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaya taladu kusoo ururtay kadib Wareega Madax taabashada ee Ururada Siyaasadda oo lasoo afmeeray isla markaana lagu dhawaaqay ururada u gudbay wareega xiga, waxaan hawsha la wareegaya komishanka doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaan xeer u haynin doorashada ururada ee uu doonayo in lasoo horaysiiyo xili muddo xileedkiisuna uu dhammaanayo 7 maalmood ka dib, wuxuuna wajahayaa cadaadiskii ugu waynaa.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Muuse Biixi ka raba xeer ay ku qabtaan doorashada ururada hadii kale waxay qaban doonaan doorashad madaxtooyada oo ay jadwal u dajiyeen, lacagteedii hayaan, isla markaana dhinacyadu isla ogol yihiin.

MUXUU YAHAY QORSHAHA MUUSE BIIXI?

Muuse Biixi wuxuu doonayaa in uu sameeyo xeer macmal ah oo la boobsiiyo Golaha Wakiialda marka ay kasoo noqdaan fasaxa ay galayaan bisha Januray, iyadoo aanay imika suurtagal u ahayn in xeerkaas la keeno amadaama uu weli yaalo xeerkii hore ee labada doorasho isku sidkayay.

Arintan ayaa dhiig bax ku ah isaga maadaama uu wakhtigu fogyahay siagana muddo xieledku ka dhammaanayo, isla markaana ururada ay diwaan galintoodu baaba’ayso wixii ka danbeeya bsiha Januray oo loo baahan doono in dhammaan wareegayda ay soo galeen dib loogu celiyo.

Qorshaha kale ee miiska u saaran ayaa ah in qaraarkii maxkamadda sare doorashada lagu galo, balse Komishank ayay u badan tahay in uu ka diido.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u badan tahay in Doorashada Madaxtooyada la isla qaato wakhtiga 9 bilood ee ay Komsihanku hore u dajiyeen maadaama aanay wakhtigan suurtagal ahayn Doorashada Ururadu.

Comments are closed