|

Qorshaha Muuse Biixi ee ururada cusub iyo cidda uu dhisayo

Hargeysa. 18 October, 2022. (QJ)-Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu doonayo ururo gaar ah oo kusoo baxa doorashada ururada ee qabsoomideeda aan lagu heshiin gudaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa leh qorshe ah in xisbiga Kulmiye uu iska soo baxo isagu, xisbiga Waddani oo isagana codad uu kusoo baxo helaya maadaama aanay jirin cid beesha ku abtirsata ah oo caqabad ku ah, iyo xisbi ka socda darafyada Somaliland oo kusoo baxa doorashadaas.

Hadaba sidee ayuu noqonayaa xisbiga darafyadu? Su’aashan oo dad badani si waydiinayaan ayaynu ku eegi doonaa qorshaha Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa doonaya in uu mideeyo labada urur ee ay kaa hogaaminayaan siyaasyiyiinta Cabdirisaaq Ataash iyo Axmed Ismaaciil Samatar marka laga gudbo wareega madax taabshada ee doorashada ururada, kadibna ay galaan doorashada iyaga oo ah hal xisbi. Waxa sidoo kale la siin doonaa dhammaan imkaaniyaadka dawladda oo ay adeegsan doonaan si ay usoo abxaan hadii ay tahay dhaqaale, gobolada oo lala shaqeeyo iyo durbaanka qabiilka oo loo garaaco.

Cidda meesha ka baxaysa ayaa ah siyaasiga Maxamuud Xaashi oo seegay xisbqiga Kulmiye, ururka uu furtay ee Kaah na aan la filayn in uu meel agadho marka la eego isbaarada Muuse Biixi.

Comments are closed