Qorshaha madaxweyne Biixi ee doorashada oo la ogaaday
Madaxweynaha Somaliland ayaa la ogaaday qorshaha uu ka leeyahay doorashada ku muddaysan 13 November, 2022, taas oo muran badani ka taagan yahay.
Xogtan oo warbaahinta Qurbejoog ka heshay hadalo uu yidhi madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin waawayn oo aqoon qoto dheer u leh madaxweynaha waxaynu ku eegaynaa qorshaha madaxweynaha.
Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu rabo muran dheer oo jiitama bilaha soo socda, si taasi ay dhabaha ugu xaadho muddo-kordhin iyo liisanka xisbiyada oo dhaca bisha December ee dhammaadka sanadkan.
Siyaasiga wayn ee Cali Gurey ayaa markii ugu horaysay daaha ka fayday in Biixi uu rabo wakhti-lumis uu ku sameeyo bilaha u hadhay oo farsamo ahaan soo yaraanaya hadii xataa doorasho loo jihaysto.
Saraakiisha mucaaradka ayaa ka war helay qorshaha madaxweynaha, waana xuddunta khilaafka imika taagan ee bilo ka hor doorashada madaxweynaha sii curtay.