|

Qorshaha cusub ee Isbadalka Qaranka oo la soo bandhigay

Muqdisho May 22, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qorshaha cusub ee Isbadalka Qaranka uu tusaale u yahay Hannaanka cusub ee ay Soomaaliya qaadatay, isla markaana xoogga la saarayo guulo la taaban karo iyo is bedelka dhab ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku nuux nuuxsaday in isbadalkan uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalka iyo dadka, iyadoo xoogga la saarayo maalgashiga kheyraadka wax soo saarka si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur, iyo fursado horumarineed.

Waxa uu carabka ku dhuftay in isbedel dhab ah aan la xaqiijin karin ilaa shaqsi kastaa uu is bedelka ka bilaabo naftiisa, taasoo lama huraan u ah in la gaaro himilooyinka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirto fursado badan oo maalgashi, kuwaasi oo ka dhashay dhaqangelinta shuruucda maalgashiga shisheeye, cafinta daymaha dalka, iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Qorshaha Isbadalka Qaran ee uu daah-furay Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bedelayaa Qorshihii Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka (NDP) wuxuuna ujeedkiisu yahay inuu horseedo horumar waara, bulsho aqoon iyo xirfad leh, iyo mustaqbal rajo leh oo ay Soomaaliya yeelato.

Comments are closed