|

Qormadii 4aad ee Sadex-jirsiga Xukuumada Siilaanyo iyo Xusuusintii Xusuusta Diiwaanka loogu-Daa-bacey

Markaanu cabirney Dareenkayaga, Garaadkayaga iyo Garashadayada  Sadexdii Sanadood ee Xukuumada Siilaanyo Hogaanka inoo haysey Waxaanu Xusuus-qorka Diiwaanka Taariikhda loogu Daabacey Xukuumadeena  Hada Sadex-jirsatey in ay tahay: Xukuumad Sidata Doobi Gun’la oo ku-Caan-baxdey Daba-ka-nuugDaabad-sheydaan,iyo Daan-Wax-uun-cuna!.
Waa Xukuumadii Beelaha walaalaha ee Somaliland wada dega kala Dhex-dhigteyDacar-Qabiil, Cuqubo-Darartey oo Dihin   Turxaan iyo Tiraab xumo Somaliland ka soo Gudubtey 15kii sanadood ee la soo dhaafey.Waa Xukuumadii Ummadda u-horseedey Shir-Beeleedyo iyo Sumado Qabyaaladeed taas oo Dabkii-Qabyaaladeed ee ay shideynaDogobyo sii-saartey oo ku-fashilantey in ay Bakh-tiiso.
Waa Xukuumadii kulmiye ee Kulmisey  Xeer-dejintii, Guurtidii, Wakiiladii iyo Fulinteediiba taas oo isu-gu keentey intiiba hal xisbi ka dibna  meesha-ka saartey Miisaankii, kala-danbeyntii, Haykalkii iyo Habsami-u-socodkii Dawladnimo.Waa Xukuumad Had-iyo jeer Ku-simbiririxoota kuna Gel-gelimeysataDastuurka Qaranka taas oo caadeysata in ay markasta u-marto dariiq Silan oo Sabool ka ahSinaan iyo Cadaalad.Waa Xukuumad Dha-dhan-satey Kheyraadkii iyo Hantidii ummada ka dhaxeysey ee Ma-guuraanka aheyd taas oo aad had iyo jeer  arkeyso iyada oo iku-maran oo Qaldhabeysa oo Qawdhameysa oo dooneysa in ay Qusun iyo Qoon wax-lagu Qaybsado.
Waa Xukuumadii Gaa-biska ka noqotey Nabad-sugidii wadanka  Ka dib markey Xilalkii Mu-hiimka ahaa u-xanbaarisey shaqsiyaad aqoontoodu Xadidan tahay oo aan la-Jaan-qaadi karin shebekedaha sirdoonka ah ee Casriga ah ee mandaqada ka jira, Taas oo keentey in Digniin culus loo soo diro Somaliland iyo qof-kasta oo aji-nebi ah oo Muraad u-yeesha Somaliland.Waa xukuumad isu haysata in tahay Halbeegii Garsoosrka laakiin ku fashilantey Garnaqsigii Xaq-soor,Seemaal,Seylac iyo Ceel-bardaaleh. Waa Xukuumadii ka xishoon Weydey Wixii ay ka xishoodeen ee ay sharafta ka raaceen Marxuun Mohamed H.Ibrahim Cigaal iyo Mudane Daahir Riyaale kaahin ee iyadu faraq-yada ka buuxsatey  Hantidii Maguuraanka aheyd ee ummada ka-dhaxeysey intii hadheyna Beelo u-sadqeysey ee meesha ka saartey sharaftii, Milgihii, Wax-wada-lahaanshihii, Dawladnimadii  iyo Qaranimadiiba.Waa Xukuumad Dawladnimada u-taqaan Daas nin leeyahay taas oo aad moodo in ay door-bidey in ay Somalilandba  Daakhiliga isugu-celiso..Waa xukuumad caan ku-noqotey Buun-buuninta iyo ka bad-badinta dhac-dooyinka yar-yar, Laakiin ku-caan baxdey in ay Dabada Rogato oo ay Daaha dabadiis Gasho marka loo baahdo in ka hadasho arimaha muhiimka ah ee saameynata ku-leh Qadiyada iyo Qaranimada Somaliland.
Waa xukuumad aan Wasiiradeeda Carbin-taba-barin oo aan u-xaq-soorin taas oo keentey in ay ku amar-ku-taagleeyaan awood aaney laheyn oo Baadiya oo ay meel cidla ah ka qaateen cidina ku qabsan Weydey, Waxaase aad loola sii Yaabey Markii uu mid ka mid ahaa Wasiiradeedu  uu dhawaan Qurbajoogta ugu Gabyey  Sumadii Geelooda oo afarey ah ummaddana ugu Han-jabey taas oo kuu Cadeyneysa heerka uu taagan yahay xukuumada Xubnaheeda Fulinta  Xaraarada Qabyaaladeed  ee isir-raaca ah ee si-fiican u biyo dhigtey xukuumada Siilaanyo iyo inta ku-xeeran..Waa Xukuumad lagu Suntey Qaar ka mid ah Wasiiradeedu in ay ku- foog-naadaan had iyo jeer Waqti-lumis, Maalin-Riyood iyo Nifaaqo kuwaas oo noqdey  Afku xoog-layaal ku shaqeysta masabka ay ummada u-hayaan, kuwaas oo aan u-shaqeyn ummadda 4tii saacadood ee yaraa ee ay shaqadooda ku-soo koobeen.Waa Xukuumad ay Wasaaradaheedu ay ku-fashilmeen Hirgelinta  Himilooyinka Qaranka, Qorsheynta maamul iyo maareyntii habsami-u-socodkii hawlahii Qaranka Raad-Qaadka ah ee Raranka maanta Saaran ee Gacmahooda ku Ragaadmey taas oo aaney hada jirin  haba yaraa-deene Yoolal ay Higsato iyo Guulo ay filanaso. Waa Xukuumad Xildhi-baanadeedii ka dhigtey Xil-madhibayaal ku-waas oo hadda ummadu ula-baxdey (aniga uun-baa nool)

Lasoco Qormooyinka isa soo laba rogaya————————-???

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-llahum-Aclum.Waa-Bilaahi-Tawfiiq,
A/Rahman Fidhinle
Intensive PA
UK

Comments are closed