|

Qormada Boobe Yusuf iyo Qiimeenta Alasow – Falcelin Sheeko xiiso badan

Malaha waa ii balwad oo kama joogi karee mar kastoon Computer dul fadhiisto waxaan booqashada ka bilaabaa Halbeegnews.net ,waxaan u sii dhaafaa Waaheen.com kadibna Qurbejoog.com ayaan ku soo afjaraa baadigoobkeeyga xaqiiqa raadinta warar hufan oo ku saabsan dhacdooyinka Somaliland iyo Musuqmaasuqa Maamulka Siilaanyo.
Waqti badan kuma lumiyo inaan Website-yada kale ee  Somaliland booqdo hadii aan la iigu tilmaamin warar iyo faalooyin lagu daabacay oo Hubaal News Paper ama Geeska Afrika qoreen maxaa yeelay waxaan ku hungoobay laba sanadood oo aan ka waayay maalin qura maqaal ama war ka fog qabyaalad,musuqmaasuqa iyo qof jecleeysi.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf ayaa afartan cisho kadib xilka qaadistiisii wuxuu bilaabay qormo xiiso iyo xaqiiqo huwan oo qoraaga ugu magacdaray MAGACAABISTEEYDII IYO MAAGISTEEYDII.
Dhab ka hadalka Boobe Yusuf wuxuu nuqulkiisii ugu horeeyay igu qasbay inaan ku xirmo Musasalka oo qeybtiisii 10-aad maraya.
Sheekada xiisaha badan ee Boobe Yusuf waxaan Qeybteedii 1-aad ku daabacay Waagacusub.com anigoo u sameeyay Ciwaan soo jeedisha leh.
Sodon iyo laba kun oo qof dad ka badan ayaa akhriyay Qeybta aan faafiyay ee qormada waxaana la ii soo diray Boqolaal Email iyo Telefoono dhamaantood falcelin ka sameeynayay Qormada Boobe.
Akhristayaal ka soo jeeda Koofurta Somalia iyo Gobolada Waqooyi ayaa sacab u tumay dhab ka hadalka Boobe laakiin waxay cabasho ka muujiyeen Erayada uu Qoraaga adeegsanayo oo qaarkood mashquuliyay maskaxdooda.
Si aan ugu fikirno habka Qormooyinka Boobe loogu sameeyn karo eray bixin ama xulasho erayo dadka Koofurta fahmi karaan ayaan qeybahii kale u joojinay faafintooda laakiin waxaan dhinaca kale bilaabay inaan ugu yaraan shan kun oo ka mida saaxiibadeeyda Facebook ,laba kun twitteriyo sagaal kun oo ka mida Macaamiisheeyda Email Group-ka u kala diro musasalka ilaa qeybta 10-aad.
Saaxiibada ila soo xiriiray oo sheekada aad uga helay waxay dhamaantood i weydiinayeen erayada qaar hasse yeeshee inaan qof walba gooni ugu jawaabo waxay igu noqotay shaqo badan oo jaanis u heli karin.
Dadka iigu jira Email Group , Facebook iyo Twitter ee falcelinta aan ka helay waxaa ka mida shaqaale ka tirsan Safaaradaha reer Galbeedka iyo Xafiiska Qaramadda Midoobay ee UNPOS  kuwaas oo shaqadoodu tahay. Monitering ama aruurin xogaha xiisaha leh.
Shaqaalaha oo aan saaxiibo nahay qaarkood waxay ii sheegeen inay qormooyinka Boobe Yusuf u bedelayaan Afka Ingiriiska laakiin caqabad kala kulmeen erayada uu adeegsanayo qaar oo ku adag fahamkooda.
Hadaba,Inta aan Lafagur iyo qiimeen ku sameeyn DHAB KA HADALKA  ayaan jecleeystay inaan ku iraahdo Boobe Yusuf” Mudane Xisaabta ku darso in Qormadaadu xiiseeynayaan bulshada ku hadasha afka Somaliga oo dhan,xisaabta ku darso in beesha Caalamka Turjumanayaan sidaas darteed fadlan erayada fahamkoodu adag yahay ka ilaali “.
Hadii aan u soo laabto qormada xiisaha bada ee Qoraa Boobe oo aan hubo in lagu xiri doono ama lagu waxyeeleen doono ,waa hubaal inay abuuri doonto kacdoon shacab oo sida duufaanta u  galaafta Maamulka Siilaanyo maxaa yeelay dhamaan macluumaadkiisa ayaa daaha ka rogay in talada Madaxtooyada Somaliland ku jirin gacanta Madaxweyne Siilaanyo balse uu si guracan u maamulo Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali.
Boobe Yusuf wuxuu qormadiisii magacaabistiisii ku furay Wasiir Xersi oo telefoon ugu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo laqsiin doono ?????? dhinaca kalena qormadiisii tobanaad wuxuu ku yiri ” Telefoonkii la iga qaban jiray ayuu iga soo wacay Madaxweyne Siilaanyo  oo xanaaqsan ,markaan ku celiyayna waa la iga qaban waayay”.
Boobe wuxuu diiday inuu si rasmiya u sheego qofka telefoonka lahaa laakiin qormadiisa sagaalaad ayuu ku yiri ” Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali markastoon waco wuxuu ahaa nin iga qabta telefoonka waana uga mahadcelinayaa maxaa yeelay Wasiiro badan oo Samaale ka mid yahay waligood telefoonka igama qaban ilaa aan is iri nimanku ma waxay moodaan inaad shaxaad ka rabtid”.
Arrin la yaab leh oo Qormada Boobe ku jirta waxay tahay in Wasiirka Madaxtooyada Xersi Xaaji u sheegay inuu hayo Cod laga duubay Wasiir Boobe oo Telefoon ugu hanjabay ama erayo gefa ku yiri.
Madaxtooyadda Somaliland oo mudo aamusneed ayaa iscelin weysay waxayna taasi sababtay in Tifaftiraha Wargeyska ku hadla afka Maamulka Siilaanyo ee DAWAN bilaabay qormo uu ku sheegay taxane taas oo nuxurkeeda lagu sii qiyaasi kara mid lagu caayi doono Mudane Boobe halka dad badan jeclaan lahaayeen inay noqoto Garnaqsi iyo gudbin macluumaad xaqiiqada ku saleeysan.
Isweydiin waxaan iiga baahneyn   in Boobe Yusuf dad badan la hadleen oo laga dalbaday inuu qormooyinka joojiyo balse waxaa qofkasta oo neceb musuqmaasuqa iyo Cadaalad darada ku filan kelmad uu ku yiri ” Ka hadlida arrimaha qormadeyda waxaa haboon in buuraha lala fuulo,oo bulshada looga naadsho”.
Si kastaba ha ahaatee,Somaliland-ta gebiga ka laalaada waxaa lagu badbaadin karaa in la qaato xigmada leh WAXAAD QARSATO WAA KU QURUNSATAA sidaas darteed waa in qof walba Laaluushka iyo qabyaalada ka doorto Cadaalad iyo wadanimo maxaa yeelay waa tan kaliya ee lagu badbaadin kara AFRIKADA SAAQIDAY.
By Dahir Alasow

Comments are closed