Qoraalka Dooddii Xildhibaan Bulqaas Ee Xeerka Waddooyinka Iyo Sidii Uu Dhameelka Ugu Beddeshay.
Hargeysa:26-Sep-2013(SDN)-Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa waxa ay Dabagal dheer ku samaysay Xildhibaanadii markii hore ka soo horjeeday Xeerka duuduubka lagu meel mariyey ee Horumarinta waddooyinka, waxana ay ku guulaysatay inay mid walba Hesho dooddiisii oo qoran.
Haddaba waxa ay shabakaddu u ballan qaadaysaa Akhristayaaasheeda inay maali kasta U soo Gudbin doonta mid ka mid ah xildhibaanada la laaluushay iyo wixii uu ku dooday intii aanu is beddelin oo Qoraal ah si Bulshada aanu u tusno inaanay xildhibaanda maanta fadhiyaa ahayn qaar aayaha iyo danta umadda midna ka talinaya.
Waxa aynu Maanta Ku Bilaabaynaa xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo muddo bilo ka hor ah lahaa reerkayagii waxba lama siinin iyo Haddii waxa nala siin waayo Somaliland jiri mayso, waxana uu intii dooddu socotay ka mid ahaa xildhibaanadii ugu fikirka adkaa ee ka soo horjeesta xeerkan, islamarkaana kooxa mucaaradka ahi sida aadka ah ugu xisaabtamayeen.
Bulqaas oo hore caan ugu ahaa inuu xukuumadda mucaarad ku noqdo oo xataa gaadhsiisay inuu madasha wadatashiga ka dhex muuqdo, ayaa ugu dambayntii Adhaxda ka jabiyey Fikirkiisii, waxana uu ku guuldarraystay inuu is waafajiyo Qawlkiisii iyo Ficilkiisii.
Xildhibaanka ayaa sidan ku dooday xilligii Doodda, “Sanadkii dhoweyd ee ina dhaafay EU waxay samaysay lacag malaayiin Dollar gaadhaysa oo ay ugu talo gashay wixii haruumarin ah waxaanay la noqotay markii Hay’adii la baabiiyey ee Madaxtooyada la hoos geeyey waxaanay u wareejisey Puntland oo ay ka hawl gelisey iyadoo sabab uga dhigaysa inay Hay’adii madaxa banaanayd ay mesha ka baxday sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in Hay’adaasi madax banaanaato si ay Hay’adaha donors ka ahi ee deeqaha bixiya qarashaad inoo siiyaan.
Xildhibaanka ayaa dooddiisa sii raaciyey, “Xeerkani waa mid ku culus bulshada macquulna maaha in bulshada culays lagu saaro wasaaraduna xaq uma laha inay Xeerka soo diyaar sato waxay ahayd in Wasaarada Maaliyadu shaqadeeda qabsato, seeda kale Gouddida Arimaha Bulshadu xaq umay lahayn inay soo gudbiso Xeerkan waxaa xaq u leh Guddida Dhaqaalaha sida sharcigeenu sheegayo . Waxaan aad usoo dhoweynayaa wadda isku xidha Ceerigaabo iyo Burco ee Madaxweynuhu uu dhagax dhigay maadaama ay Ceerigaabo tahay meeshii layga soo doortay laakiin waxaa is weydiin leh qaabka ay wadadu u dhismayso waxan odhan lahaa waxyaalaha aan loo baahnayn qarash lagu daro sida Sigaarka iyo Qaadka. Waxaan soo jeedinayaa:-
“In Hay’adan haruumarinta wadooyinka laga saaro oo loo madaxbanaaneeyo hawleheeda lagana saaro Madaxtooyada.” Ayuu soo jeediyey xildhibaan Bulqaas oo bulsho badan ay ku adkaatay inay rumaystaan meesha uu gacantiisa u taagay iyo magac xumada raacday maalintii khaatumada.” Ayuu ugu dambayntii soo jeediyey Xildhibaan Bulqaas, mase yeelin taas.
SDN.
Contact@somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa/ Somaliland.