|

Qoraaga Jaamac Muuse Jaamac oo Qurbejoog.com uga waramay ujeedada ay ka leeyihiin Bandhiga Maktabada Wareegta iyo Buugaagta Geediga ah oo ka socota magaalooyinka Somaliland

Hargeysa 5, July 2012 (Qurbejoog.com)- Qoraaga Jaamac Muuse Jaamac oo horkacaya Bandhiga Maktabada Wareegta oo todobaadkan dalka ka socotay, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka ay ka leeyihiin bandhigaas.

Jaamac Muuse Jaamac oo horkacaya hawshaas oo maalmihii ugu dambeeyay lagu qabtay magaalooyinka Boorama, Sheekh iyo Burco, waxa waraysi la yeeshay weriye Siciid Maxamed Askar oo ka tirsan bahda shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com.

Qoraagu waxa uu sheegay in qabanqaabada Bandhiggaas oo qayb ka ah Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ay ujeedadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa Dhaqanka, Qoraalka iyo Akhriska ee dhalinyarada Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida ay hawshu iskaga gudbayso magaalooyinka waawayn ee Somaliland, ururada soo qabanqaabiyay iyo qodobo kale.

 

Haddaba, goor dhaw filo dhegaysiga waraysiga Jaamac M. Jaamac;

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed