“ Qofka Marka Loo Diido Xuquuqdii Uu Ra’yigiisa Ku Cabiri Lahaa Ayuu Diidaa In Loo Taliyo.” Xildh. Saleebaan Cali Koore
Hargeysa:11-Nov-2013(SDN) – Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa faahfaahin dheeri ah ka biyey macnaha ay leedahay Keli-talisnimada iyo Dhibaatooyinka ay keento.
Xildhibaan Saleebaan ayaa tilmaamay in marka qofka Bani’aadamka ah laga Hor istaago waxyaabaha uu xaqa u leeyahay ay ka dhalan karto amar diido iyo in kala dambayntu lunto, “Digteetarnimadu waa qofku marka uu diido inuu qof bini´aadam ahi cabiro rayigiisa,qofku marka uu diido in loo taliyo,waa marka laga qaado xuquuqdii uu qofku u lahaa inuu ra’yigiisa ku cabiro,marka qofka loo diido inuu dadka u sheegto wixii uu xaqa u lahaa, maamulka noocaas ah ayaa la yidhaahda Digteerar-ship, innaga ayaa inta baddana abuur-na, Xukuumad kasta wakhti ayey leedahay, umaddu wakhti ayey u dooratay, Xukuumadan (KULMIYE) wakhtigeeda waynu u ogol-nahay, laakin xukuumada waxaynu xaq ugu leenahay…Xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu fikirkiisa Cabiro ee Dastuurka ku yaala labada Gole (Guurtida iyo Wakiilada) iyo Madaxweynuhu midna ma bedeli-karo,sharciyada inta kale oo dhan madaxweynaha iyo labada Goleba way bedeli karaan” ayuu yidhi Saleebaan cali koore.
Sidoo kale waxa uu xildhibaan Saleebaan Cali Koore Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay aqbasho qabashada shirweyne qaran, maadaama ay haatan ku wareejiyeen Axsaabtii qaranka oo sharci ah, waxana uu yidhi, “Xukuumada waxaan leeyahay waar aqbala in Shirka Qaran la qabto,haddii aad annaga qoladayadii Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka nagu lahaydeen sharci ma haystaan, oo aad shalayto nagu tidhaahdeen ku kala biira Xisbiyada, oo Xisbiyada ayaa awood u leh inay Shirka qaban karaan, waar maanta waanagii ku wareejinay Xisbiyada inay shirka qabtaan, iyaga la heshiiyo aqbala inay shir qabtaan.”
Xildhibaan Yuusuf Cali Koore waxa xukuumadda u soo jeediyey inay ka fogaato falalka ay ku cabudhinayso Madaxbannaanida saxaafadda iyo Ra’yulcaamka Bulshada, isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay xorriyadda dadku iyo waliba dhibaatada ka timaadda cabudhintoodu.
S.D.N