“Qof Shaqadiisa Qabsan Waayayey in Mudo-Kordhin lagu casuumo Ma ogolin,Waxa meesha Yalaana waxa weeyaan in laga Hawl galo Sidii Doorasho u dhici Lahayd.” Cabdirashiid xasan mataan.
Hargeysa:Nov,23,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Ucid ayaa ka Hadlay Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha Somaliland oo haatan ka cago-jiidaya qabashada Doorashada, waxana ka si gaar ah uga Hadlay Hadal uu dhawaan Xildhibaan Dheeg Siiyey Warbaahinta oo u dhignaa inay Guurtidu diyaar ula tahay Muddo-kordhin haddii laga codsado.
Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo arrintan ka Hadlay ayaa wax aan meesha qaban ku tilmaamay in wax muddo-kordhin lagu casuumo madaxweynaha muddada dalka soo xukumayey,
“Ka xisbi ucid ahaan waxa Mudo kordhin ah oo aanu Diyaar u nahay am Aanu ogol Nahay Majirto,Bulshada Somaliland Maanta Cid mudo Kordhin u haysaana Majirto,Qof Shaqadiisa Qabsan Waayayna in Mudo Kordhin lagu casuumo Ma ogolin,Waxa meesha Yalaana waxa weeyaan in laga Hawl galo Sidii Doorasho u dhici Lahayd.” Ayuu yidhi Cabdirashiid xasan mataan.
Musharaxu waxa uu farriin gaar ah oo lagu derdergelinayo Doorashada u diray Xubnaha Baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay in looga Baahan yahay inay dedejiyaan Shaqada ay gacanta ku hayaan iyo arrimaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi,
“waxaana leeyahay Dibu dhac Badan ayaa ku dhacay Ku miishankii Doorashooyinkii,Markaas waxaanu leenahay Wakhti badan ayaa dhacee Mid kale hasii Luminina.” Ayuu Hadalkiisa raaciyey.
Dhinaca kale waxa uu Musharraxu ka Hadlay Iscasilaadii dhawaan ay ku dhawaaqday Xoghayihii Maaliyadda ee Xisbigaa Marwo Faadumo Siciid, waxana uu arrintaas ku sheegay mid ay Marwadu xaq u lahayd oo aan cidina ka hor istaagi Karin, isla-markaana aanu xisbigu dhibaato u arkaynin, waxana uu yidhi,
“Hortu Xubin Waliba waxa ay xaq u leedahay in ay Go’aanka Iyadu qaadato in ay Xisbiga ku jirto iyo in ay ka baxdaba,Markaas waanu ka aqbalnay hadii ay Faadumo Go’aan satay in ay is ka casisho Xisbiga Ucid,Cid ay ku buurayso iyada ayaa Ka go’aan qaadan karta,ilaa hadana waxaan ka odhan kara Majirto.
SDN/QJ