|

Qof Qaba EBOLA Oo Lagu Arkay Britain Iyo Baadhitaan Loogu Jiro Dadkii Xidhiidhku Dhexmaray

Glascow:Dec,30,2014(SDN/QJ)-Kalkaaliso Caafimaad oo kasoo noqotay Galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa laga Helay Vurus-ka Ebola, waxana lagu daaweynayaan Cisbitaal ku Yaaalla magaalada Glascow, iyadoo la karantiimeeyey.

jeedHaweenaydan Kalkaalisada ah, ayaa Habeennimadii Axaddii kasoo degtay Garoonka Heathrow Airport, waxana Haatan lagu hayaa Cisbitaalka Gartnavel oo ku Yaalla Glascow.

Waxa la raadinayaa cidkasta oo loo filayey inay haweenayan  xidhiidh dhex maray, kuwaas oo ay ugu horrayso Rakaabkii ay soo wada raaceen Diyaaraddii ay saarnayd iyo Ciddii ay kula kulantay Gudaha    Garoonka Heathrow.

Xoghayaha Britain u qaabilsan Caafimaadka Jeremy Hunt, ayaa caddeeyey in Haweenaydan loo qaadi doono Cisbitaal arrinteeda u gaar ah si loola tacaalo xaaladeeda caafimaad.

Haweenaydan, ayaa ayaa soo martay Garoomada Diyaaradaha ee Casabalanca iyo Heathrow, waxana cabsiyi ka taagan tahay Goobahaas ay soo martay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed