|

Qof ku Geeriyooday iyo 7 ku dhaawacmay Shil ka dhacay Deeganka labo-dhegedka ee Degmada Lughaya

Lughaya 16.May (SDN)  hal qof ayaa ku dintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen shil gaadhi oo maanta ka dhacay deegaanka labo-dhegedka oo dhanka galbeed ka saaran Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal ee dalkan JSL.

Gaadhiga oo ah mid Rayid ah kana mid ah gawaadhida rakaabka ah ee isaga goosha Magaalooyinka Hargaysa iyo Jabuuti ayaa ku dhacay oo ku gadoomay wadada rafka ah ee Aaggaasi marta xilli uu ku sii jeeda dhanka dalka aynu deriska nahay ee jabuuti.

Marxuumad Aamina Maxamuud cabdi ayaa ku geeriyootay shilkaasi halka ay ku dhaawacmeen todoba ruux oo magacyaoodu kala yihiin

1.     Axmed Xaamud Cismaan

2.    Khaalid Jaamac cago-yare

3.    Nasriin Maxamed Xasan

4.    Ciise Axmed Saalax

5.    Cabdiqani Maxamuud Axmed

6.    Bishaaro Maxamed Samatar iyo

7.    Axmed Cali Macalin

Dadkan dhaawaca ah ayaa  si ku meel gaadh ah loogu daweynayo dhakhtar ku yaalla magalada Lughaya sida noo Xaqiijiyay  Mayor-ka Degmada Lughaya Md Cabdilaahi cali Aw-Nuur.

Lughaya SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed