Qof ku dhintay inta la hubo rabshado Salaadii Subax ka Bilaabmay Magaalada Saylac
Hargaysa 09.Jan.(SDN)
Hal qof ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday Magaalada Saylac kadib Markii uu Salaadii Subax markii laga soo baxay ay Ciidamada qaranku damceen inay ka dareeriyaan dad u hoyday Xarunta Dawlada Hoose oo la filayo inay maanta ka dhacdo xaflad Xil wareejinta Golaha Deegaanka ee Cusub ,Goob joogayaal ku sugan Gudaha Magaalada Saylac ayaa u xaqiijiyay Shabakada SDN in gacan ka hadalkani uu salka ku hayo Muranka ka dhex taagan labada beelood ee Wada dega magaaladaas.
Xaalada Magaalada Saylac ayaa warku sheegayaa inay aad u kacsan tahay.
Wixii Warar ah ee ka soo kordha Magaalada Saylac dib ayaanu idiinka soo Gudbin doonaa.
Hargaysa SDN