|

Qodobo ka soo baxay Kulan ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya

Dubai, 28, June 2012 (Qurbejoog)- Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta  Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

 

Kulankan labada Madaxweyne ayaa daba socday kulankii hore ay guddiyo ka socda labada dhinac ku yeesheen magaalada London, kaasoo ay kazoo baxeen sided qodob, kuwaasoo maanta  ay si rasmi ah u saxeexeen labada Madaxweyne.

Waxaana kulankan maanta ee labada ka soo baxay afar qodob oo ay labada dhinac wada saxeexeen.

Qodobada ka soo baxay kulanka:

1. Iyada oo la tixraacayo war-murtiyeedkii London iyo Istanbul ee ay beesha caalamku ku taageeraysay wada hadal dhexmara dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya (Ama Cidii Bedesha) iyo Dawlada Somaliland, si loo iftiimiyo xidhiidhka Labada Dawladood ee Mustaqbalka,
Iyada oo isla markaana laga duulayo kulankii ka dhacay Chevening House, London, Waxay Madaxweynayaasha Dawlada Federaalka Somaliya iyo Somaliland ku kulmeen Dubai 28-June-2012.
2. kulankan waxa codsiga labada Dhinac ku martigeliysay Dawlada imaaraadka Carabta (UAE)
3. ujeedada kulankani waxay ahayd in labada madaxweyne ee ka qayb galay, Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”(Somaliland) in si rasmi ah loo sii amba-qaado wada hadaladii hore u dhex maray labada dhinac ee ka soo bilaabmay, Chevening 20-21-june-2012
4. Labada Dhinac waxay isku raaceen in la sii amba-qaado wada hadalka, waxaanay ku heshiiyeen in loo ogolaado Gudiyadii ka koobnaa labada Dhinac ee ay igmadeen madaxweynayaasha (Somaliland iyo TFG) inay halkaa ka sii wadaan wada hadalka si loo bayaamiyo xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac .”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shirkaasi ka sheegay mowqifka Somaliland ee la xidhiidha muqadasnimadda Jiritaanka Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka u soo jeediyay inay garowsadaan madax-banaanida Somaliland halka uu Soomaaliyana ugu baaqay inay yaqiinsadaan gooni isu taaga Somaliland.

Kulankan labada Madaxweyne waxa dhinaca Somaliland wehelinayay Guddoomiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE, UCID, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyadda, Gaashaan-dhiga iyo masuuliyiin kale.

Kulankan waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul dawlaha dalka Imaaraadka carabta, wasiir ku xigeenka khaarajiga dalkaasi iyo Wakiilka qarammada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Qurbejoog, Dubai

Said M. Askar

 

Comments are closed