“Qodobka labaad ee axdiga qaramada midoobay ayaa odhanaya cidna laguma qasbi karro wax aanay rabin, markaas waxaa u furan..” Jandai Frazer
Washington 27.April 2014 (SDN/QJ)- Jandai Frazer oo hore u ahayd Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsayd Afrika Xukuumaddii Madaxwyne Cliton,ayaa sheegtay in aanay garanayn sababta Caalamku u dheaysan la,yahay Umadda Somaliland ee go,aanka ku gaadhay inay goostaan Xorriyadooda.
Waxaanau sidaa ku sheegtay waraysi dhinacyo badan taabanayay oo ay la yeelatay Idaacadda BBC-du,
Jandai Frazer oo ka warramaysay waxyaabaha gaarka ah ee ay Somaliland ka aamintay iyo kulammo ay la yeelatay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,ayaa tidhi.
“Madaxweyne Rayaale tiraba saddex jeer ayaanu is aragnay., waxaa la yaab igu noqotay waxaa uu ka sheekeeyay doorashooyin, dimuquraadiyad, nabad galyo iyo hanaan dawladnimo oo ka hirgalay dalkiisa, waxaanan niyadda ku hayay Soomaaliya, Markaas waxaanu isku qancinay in aanu abaabullo sidii aanu Somaliland ugu soo diri lahayn Wefti”
Waxaa kaloo ay ka hadashay safar ay ku tagtay intii ay xilka haysay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo waxyaabihii ay ku aragtay.
“Hargeysa waxaan tagay bishii April ee 2009., waxaana la yaab igu noqotay, nabadgalyada, horumarka, quruxda iyo hamiga dadka ka muuqday. Waxaanu kulanay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxdii Siyaasadda, waxaanan u sheegay waqtigaas in Maraykanku bilaabayo siyaasad laba weji leh.” Intaa ka dibna waxay sheegtay tallaabooyin ay qaaday dawladda Maraykanku,kuwaasoo ka dhashay socdaalkii ay ku tagtay Hargeysa,caasimadda Somaliland isla markaana ay kula kulantay Madaxwynihii Xilligaa ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiye yaashii Xisbiyada Mucaaridka ah.
“Dadka reer Somaliland iyo dawladooduba waxay qabeen baahi ah in aan bulshadda caalamku ka gaaraabin waxay doonayaan, aniguna dabcan taas waan dareemay. Waxaanan sanadkaasi amray in dib loogu noqdo qaabka Maraykanku u caawiyo Soomaaliya. Iyaddoo la sameeyay hanaankii labada jiho oo aan codsigiisa lahaa.”
Ugu dambaynna waxay ka hadashay inay garan la,dahay sababta caalamku u dhegaysan la,yihiin dad go,aan ka gaadhay aayaha mustaqbalka siyaasadeed ee noloshooda oo ay xaq u leeyihiin.
“Qodobka labaad ee axdiga qaramada midoobay ayaa odhanaya cidna laguma qasbi karro wax aanay rabin, markaas waxaana u furan dariiq u sahlaya in la dhagaysto. Waa dal nabadoon oo suurtagaliyay wax aanay suurtagelin dal Maraykanku ku qarash gareeyo malaayiin doolar. Waxaa la dhagaystay Eratariya iyo Koonfurta Suudaan. Ma garan karo waxaa siyaasad ahaanba hor joogsan kara ummad tidhi 23 sanadoodna la soo taagan annaga ayaa go’aan ka gaadhnay Xoriyaddayada.”
Washington SDN/QJ.