|

Qodobada muhiinka ee heshiiska: Dowlada Gobeeldka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya la filaayo in wada saxixi doonaan

Minneapolis Aug 24,2013(SDN)-Ilo ku dhowdhow Maamulka Jubbaland ayaa waxay xaqiijiyeen in Maamulka Gobaleedka jubbaland ee Soomaaliya iyo Dowlada Federaaliga ee Soomaaliya ay si buuxda iskugu afgardteen qodobadii ugu waawaynaa ee la isku hayay ka dib markii la aasaasay Maamul Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya.

Shirkaan oo si rasmi ah u bilowday magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia, taariikhda markay ahayd: August 19, 2013, ayaa waxaa ka soo qaybgalay: Urur Goboleedka Afrikada Bari iyo geeska Afrika ee loo yaqaan: IGAD, Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo diblumaasiyiin kale oo ka socotay caalamka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ku dhawaaday in burburo, ayaa la filayaa in qodobada la isku afgartay laga soo saaro qoraal ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya saacadaha nagu soo aadan.

Qodobadaan oo asaaska u ahaa is afgaranwaagii dhashay ka dib markii la asaasay maamul Gobaleed Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya, oo ilaa hada la isku afgaratay ayaa waxaa ka mida:

1. In Dowladda Soomaaliya in aqoonsato Dowlad Goboleedka Jubbaland
Faahfaahin: Arintaan oo ah mida uga wayn oo ay rabeen hogaanka iyo dadka deegaanaka: Jubbooyinja iyo gedo.

2. Magaca Maamulka in uu ahaado: Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya
Faahfaahin: Magacaan oo ah mid degaanka la xariira, isla markaana ay isku afgardteen wax garadka iyo hogaamiyaasha dadka degan degaanaka Jubbooyinka iyo Gedo.

3. Dowlada Federaalka ee Soomaaliya in ay goobjoog ka ahaato dhamaystirka maamulka Dowlada Gobaleedka Jubbaland.
Faahfaahin: Marar badan ayuu Maamulka Jubbaland ugu baaqay in ay Dowlada Federaalka arintaan ay ka noqoto qayb, iyada ay hogaamiyaasha Jubbaland baaq qaar ah iyo mid guudba u diray.

4. Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka ee Dowlada Gobaleedka Jubbaland lagu saleeyo jidka sharciga ah.
Faahfaahin: doorashadi la qabtay Dowlada Federaalka waa lagu martiqaaday.

5. Dowlada Gobaleedka Jubbaland ay Dowladda dhexe ka hesho xuqaaqaha uu siinaayo Dastuurka Dalka u dhigan ee Federaaliga ah.
Faahfaahin: qodobkan waa mid la xariira dastuurka wadanka.

6. Dowladda dhexe sidoo kale ay ka hesho xuquuqdeeda ay ku leedahaya Maamulka Goboleedka Jubbaland ee Dastuurka Dalka u degsan uu qeexaayo.
Faahfaahin: qodobkan waa mid la xariira dastuurka wadanka.

Ilo kale oo aan la xariiray oo aad ugu dhow maamulka Jubbaland, kana mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Reer Jubbaland ee magaalada Minneapolis, ee gobolka Minneasota ayaa waxay ku tilmaameen hadii uu heshiiskaan meel maro mid wax wayn ka badeli doonto Dowlada Federaalka iyo xiriirkooda madaama uu maamulka Dowlada Federaalka ee hada jira uu u muuqado mid raba in siyaasadoodi ee ku salaysnayd majaraha adag damacsan in uu wax ka bedelo.

Sidoo kale waxay ugu baaqi doonaan Maamulka iyo dadka reer jubbaland in ay arimaha lagu heshiiyey xooga saaraan.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa ra’yiga ay Jaaliyada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Jubbaland State ee waqooyiga America u arkaan heshiinkaan ka dib marka uu si rasmi ah loo saxiixo, heshiiskana uu noqdo mid kama dambays ah.

Taas oo la filaayo in raacdo xaflad wayn oo lagu soo dhawaynaayo guusha Soomaaliya guud ahaan, gaarna ahaana reer Jubbaland u soo hoyatay oo ay dhalisay is afgardkaan taariikhiga ah.

Waxaa soo koobay, soona diray, Mohamed Barre Junlay – [Buluf] wax ka qora arimaha Jaaliyada Soomaaliyeed (gaar ahaana Jubbaland) magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota – junlay99@aolo.com.

Comments are closed