|

Qoddobo Xaasaasi ah Oo Lagaga Dooday Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland, Iscasilaadii Samaale Oo Lagu Celceliyey, Cududda Isbahaysiga Mucaaridka Iyo Xalinta Doorashooyinka Oo Guddi Loo Saaray

Hargeysa:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay ka duwanaa inta badan shirkii hore, waxana si aad ah u saamayeyey Iscasilaadda Wasiirro xukuumadda Ka tirsan, Cududda Mucaaridka iyo Shakiga Doorashooyinka laga qabo.

wasiiradas siilaanyoIsku-shaandhayntii Wasiirrada, ayaa ahayd qodobka ugu weyn ee Shirkaas lagu lafo-guray, waxana   madaxweynaha wajigiiga lagu arkayey Cadho uu ka muujiyey iscasilaadda xilligan timi iyo Waliba Hadallo Xubnaha iscasilay ka sheegeen Awooddiisa Hoggaamineed oo anu ku qancin.

Xubnaha shirkaas fadhiyey  shalay, ayaa sida ilo xog-ogaal ahi noo xaqiijyeen qudhoodu muujiyey inay madaxweynaha ku kalsoon yihiin, waxana intooda badani carrabkooda ka ilaaliyeen inay ku dhiirradaan ka Hadalka isku-shaandhayntii dhul-gariirka dhalisay, iyadoo isaga laftiisu u diidmo ka muujiyey in arrintaas lagu celceliyo.

Xubno tiro yar oo ku dhiiraday  ka hadalka isku-shaandhayntaas, ayaa muujiyey inay ka xumaadeen in wasiir Samale ka dego tareenka Xukuumadda, waxana ay Madaxweynaha Dareensiiyeen inuu ninkaasi yahay saaxiib aan laga maarmi Karin oo marxalado adag la iskala soo dabaashay, isla-markaana laga hawlgalo ladqabayntiisa, balse madaxweynuhu arrintaas jawaab farxadeed kama muujin.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Golihiisa wasiirrada dareensiiyey inuu xaq u leeyahay kala beddelkooda, waxana uu ku adkeeyey in loo baahan yahay in lagu ixtiraamo arrimahaas oo ka hadalkoodu batay.

Waxyaabaha kale ee shalay lagaga Hadlay SHirkaas, ayaa waxa ugu weynayd warwar madaxweynuhu ka Muujiyey Arrimaha Doorashooyinka oo u muuqda qaar aan qabsoomaynin, waxana uu halkaas ku magacaabay Xubno wasiirro ah oo uu u xilsaaray sida Doorasho ku qabsoomi karto inay kasoo talo bixiyaan.

Xubnaha Wasiirrada Madaxweynuhu arrintaas u magacaabay, ayaa waxa kamid ahaa , wasiirrada Wasaaradaha madaxtooyada, arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,  warfaafinta, gaashandhiga,ganacsiga, maaliyadda, iyo boosaha iyo isgaadhsiinta.

Cududda Cusub ee Mucaaridka Somaliland dhawaan samaysteen ayaa iyana Ahayd waxyaabaha tiir-dhexaadka u ahaa shirkii shalay ee Golaha Wasiirrada, waxana Madaxweynuhu muujiyey sida loogu baahan yahay in la diyaariyo siyaasaddii lagaga hortegi lahaa awoodaas cusub ee haatan midowday.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhawaaqa mucaaridku gaadhay Beesha Caalamka, isla-markaana uu dareemayo jawaabaha kala dambeeya ee Bulshada caalamku kasoo bixinayaan Cadaadiska Dalka ka jira.

Ugu dambayntii waxa halkaas lagu lafa guray siyaasadda waxqabka xukuumada iyo baahida xilligan loo qabo in bulshada la tuso waxqabad muuqda si la iskaga difaaco eedaha kasoo burqanaya Mucaaridka Isbahaystay oo ka faa’iidaysanaya Khilaafka Madaxtooyada ee keenay in xubno miisaan lahaa Wasiirrada Dibada uga baxaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed