“Qodabka 82 iyo 83aad Meelna kama soo Gasho waxaa Saleebaan Gaal iyo Caruurta Meesha La Joogtaa Xar-xariiqeen” Xoghayaha Waddani DAAWO
Hargeysa 12 July 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga mucaaridka ee Waddani ayaa xukuumada somaliland ku eedeeyay in ay kasoo bixi wayday heshiiskii ay gaadheen asxaabta qaranka iyo xukuumadu.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo xarunta xisbiga ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu ay kasoo bixiwayday heshiiskii ay wada galeen xisbiyadu qaranku “Somaliland dagaal way kasoo daashay,waxa xisbiyada mucaaridku leeyihiin waa inta ay dimuqraadiyadu u ogalaatay, laakiin nasiib darada jirtaa waxaaa weeyi waxkasta oo la galo iyo waxkasta oo dalka loo qabanayo waxay u baahanyihiin cid fulisa, xukuumada Somaliland fulintiibaa ka dhiman,Cidii heshiisyada la galo fulinaysaa ma jirto, cidii wixii umadan u dana fulinaysay ma jirto, waa meeshaa is daba wareegay ee aan hor iyo dib toona lahayn”Ayuu yidhi Maxamed Uurcade
Xoghayaha Xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaa uu mudo kordhinta golaha guurtidu sameeyeen ku tilmaamay mid shuraako ay ku ahaayeen gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xukuumada madaxwayne Siilaanyo, Isagoo Xisbiga Kulmiyena ku sifeeyay xisbi u baahan in si dhakhso ah loogu gurmado.
“Mudo korodhsiimada uu Saleebaan sameeyay waxaa ay shuraako ku ahaayeen xukuumada Siilaanyo, laakiin iskamuu samayn taasi waa dhab, markii dambena cadaadis caalamka kaga yimid awgeed ayaa kaga tanaasulay,ee maslaxad kale uga muu tanaasulin,cidii fulin lahayd tanaasulkaa uu sameeyay ee uu xisbiyada la qaatay horta ma taal.Xisbiga kulmiye wax gacanta ugu jira oo aanu xisbigaa wax uga sheegnaa ma jiro iyagaa u baahan in loo gurmado markaa waxaanu iyaga nidhaahnaa waa khalad” Ayuu Yidhi Xoghayaha Guud Ee X.Waddani.
Xoghayaha Waddani waxaa uu sidoo kale sheegay in dalku uu u baahanyahay in si degdega wax looga qabto isagoo ku dooday in 27july wixii ka danbeeya ayna aqoonsan doonin madaxwaynaha iyo mudo kordhinta ay guurtidu samaysay. “dalkani waxaa uu u baahanyahay dhibaatooyinka ka jira intii wax laga qaban karo in laga qabto,madaxwaynaha wakhtigiisii wuu dhacay sharciyan 27 july marka ay gaadho wixii ka danbeeya sharci maaha, waxa guurtidu mal-maluuqdayna maaha sharci mana aqoonsanayno anagu, waayo distoorbuu dalku leeyahay, Qodabka 82 iyo 83aad meelna kama soo gasho waxaa Saleebaan (Gaal) iyo caruurta meesha la joogtaa ay xarxariiqeen anagu waxaanu raacsanahay maaha, dalka iyo dadkana dan uma aha”Ayuu Maxamed Uurcade Xoghayaha Guud Ee Waddani.
Xisbiga Waddani ayaa walaac ka muujinaya heshiiskii asxaabta ee xukuumada iyo guurtida Somaliland kaga baxeen xisbiyada mucaaridka, iyadoo xisbiyada mucaaridkuna maalintii khamiista baaq wada jira oo ah in heshiiskaa la fuliyo u direen madaxwaynaha Somaliland .
Balse afhayeen madaxtooyada oo u hadlay xukuumada waxaa uu sheegay in baaqaas iyo heshiiska xisbiyadu aanay ahayn wax sharci ah.