|

QM:Kala bar qaxootiga ka yaacay Syria oo Caruur ah

Geneva Aug 24,2013(SDN)-Qaramada midoobey ayaa shaacisay in qaxootiga haatan dalka Suria ka qaxay in ay tiradoodu kor u dhaaftay laba million oo ruux.

QM ayaa sidoo kale sheegtay in kala bar dadkaasi ka qaxay colaada dalkaasi ka socday mudada dheer ay yihiin Caruur.

“Ma maleyn kareysaa wales oo bilaa caruur ah,Los Angeles oo aan caruuri joogin iyo Boston oo ubad laga waayay?”sidaa waxa yiri madaxa xafiiska UNHCR Antonio Gueters.

Guanteres ayaa ayaan daro ku tilmaamay in Syriaa ubadkeedii ay sidan ku danbeeyaan oo noloshoodii sidaa ku danbeyso.

Warbixintan ayaa lagu xusay in millionka caruurta ah ee ka qaxay colaad dalka Syria ay 740,000 oo ka mida ahi da’adoodu ay ka hooseyso 11 jir.

Dunida ayaa ilaa haatan aan isla qaadan wax laga yeelo colaadan lagu hoobtay ee Syria oo haatan socota sanadaha.

SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed