QM oo xayiraad ku soo rogtay madax ka mid ah Al Shabaab
NY May 23, 2024 (QJ) -Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay golaha.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hogaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee ku xusan Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2713.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqsiyaadka la cunaqabateeyey laga xinibi doono hantida, isla markaana ay muteysan doonaan xayiraad dhanka socdaalka ah.
Wakiilka joogtada ah ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.
Saddexda shaqsi ee lagu daray liiska cunaqabataynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah.
Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Maxamed Mire, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista Zakada.
Maxamed Cumar Maxamed oo ah hogaamiyaha Al-Shabaab ee degmada Diinsoor.