Q/M oo ugu baaqday AMISOM in ay yareeyaan qasaraha soo gaaraya Shacabka Soomaaliyeed
New YorkJan 19 (SDN)–Saraakiisha ugu sareysa Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya inay xoojiyaan ammaanka dalka islamarkaana dadaal dheeri ah u galaan sidii ay u yareyn lahaayeen qasaaraha ka soo gaarayo dadka shacabka ah gaar ahaan caruurta xilliyada howlgalada ay fulinayaan.
Warbixin laga soo saaray xafiiska Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Caruurta iyo isku dhacyada hubeysan Leila Zerrougui,iyadoo cod dheer ah ku sheegtay in si weyn ay kaga xun yihiin dilalka dadka shacabka ah iyo caruurta loo geysanayo waqtiyada ay socdaan howlgalada lagu sugayo ammaanka ama dagaalo meelo gaar ah dad shacab ah ay degan yihiin ka dhaca.
Waxayna si gaar ah u xustay in fal laga naxo uu yahay howlgalkii ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ay ku laayeen shacab badan ay ku jiraan carruur maalintii Talaadada ahayd.
“Waan Soo dhaweynayaa horumarada ay sameeyeen AMISOM iyo dadaalada ku aadan sameynt baaritaano ku aadan falkaan ay wadaan Saraakiisha AMISOM.waxaana rajeynayaa in baaritaanada ka soo bixi doonaan natiijo lagu qanco iyadoona tani gogol xaar u tahay rabshado kale oo dhaca” ayay tiri Mr Zerrougui.
Sidoo kale Zerrougui. ayaa ugu baaqday MidowgaAfricainay ilaaliyaan ama ay dhowraan sharciga caalamiga ee xaquuqda Bini-adanimada,iyadoona intaasi ku dartay in xafiiska uu u istaagi doono waxka qabashada iyo caawinta dadka shacabka ah aan ku lugta lahayn siyaasada isdiidan ee ka taagan dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Leila Zerrougui, ayaa warbixinteeda ku soo gabagabeysay in dhowritaanka caruurta yar yari ay xil ka saaran tahay cid waliba oo mas’uuliyateeda leh,waxayna si gaar ah u cadeysay in AMISOM ay ilaaliyaan caruurta yar yar waqtiyada howlgalada ay sameynayaan.