|

QM oo Soomalaiya eedo u jeedisay

Muqdisho May 10, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya waa in ay xoojisaa dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto caqabadaha amni ee halista ah iyo kuwa qalafsan ee dalka ka jira iyo in la xoojiyo hannaanka baaritaannada iyo dacweynta kiisaska xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku saleysan, ayuu tiri khabiirka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia maanta.

Isha Dyfan ayaa sheegay in xadgudubyada galmada iyo jinsiga, gaar ahaan eedeymaha foosha xun ee kufsiga iyo kufsiga kooxeed ee ay weheliyaan dilalka oo inta badan la sheego inay dhacaan, loo baahan yahay in si hufan wax looga qabto, si loo hubiyo in dambiilayaasha la caddeeyo lana horkeeno sharciga.

Dyfan ayaa bogaadiyay horumarrada sharci-dejinta, oo ay ku jiraan wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si kor loogu qaado horumarinta dimuqraadiyadda, sareynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Comments are closed