|

QM oo Soomaaliya fartay in la baaro dalalka Laascaanood

NY Feb 08, 2023 (QJ) – Madaxa Guddida xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dawladda federaalka Soomaaliya faray inay baadhitaan ku samayso dadka ku dhitay dagaalka magaalada Laascaanood ku dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa ka soo horjeeda ee SSC.

Volker Türk madaxa gudigaasi ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameyso dadkii ku dhintay falkaasi.

“Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay waxaana la qiyaasayaa in 119 kale oo ay ku jiraan caruur ay ku dhaawacmeen iskahorimaadka dhexmaray ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka Laascaanood,” ayuu yiri Turk.

Turk waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan 20,000 oo qof ay ku barakaceen colaadda Laascaanood ka socota, taasoo uu sheegay inay uga sii darayso xaalad bini’aadantinimo oo adag.

“Waxaan ka codsanayaa mas’uuliyiinta inay baaritaan hufan oo dhex-dhexaad ah ku sameeyaan iska-horimaadyadaas, si ciddii mas’uulka ka ah loogula xisaabtamo si caddaalad ah,” ayuu yiri. Hadalka ka soo yeeray QM ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii saddexaad uu dagaal ka socdo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Comments are closed