QM oo sheegtay in xadgudub ka socdo Gaza
NY October 25, 2023 (QJ) -Israa’iil ayaa si kulul u naqdisay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo uu ku muujiyay dhibaatada dadka reer Falastiin iyo colaadaha ay mudada dheer soo jireen.
Antonio Guterres ayaa ku nuux nuuxsaday in weerarada ay Xamaas ka geysanayaan koonfurta Israel aysan qiil u ahayn barakicinta shacabka Falastiiniyiinta, kuwaasi oo soo maray 56 sano oo uu ku tilmaamay “hawlgal sharci darro ah”.
Dowladda Israa’iil ayaa si weyn uga jawaabtay hadalkaas, taasoo muujineysa tillaabooyin xaddidaya doorka Qaramada Midoobay ee arrimaha khuseeya Israa’iil.
Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa xusay inay diideen codsi dal ku gal ah oo uga yimid ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada, Martin Griffiths, kaasoo ku sii jeeday Israa’iil.
Israa’iil ayaa sidoo kale ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah xilka uga dego.