QM oo sheegtay in Soomaalidu Aqaladooda uga Qaxeyso baqdin ay ka qabto Ciidamada
Nairobi Jan 20,2012(SDN)-QM ayaa sheegtay in Soomaalidu bilowday barakac aan noociisa hore loo arag oo ay aqaladooda uga yaacayaan maalmihii u danbeeyay.
Sidaana waxa sheegay Bruno Geddo oo ah madaxa UNHCR u qaabilsan dalka Soomaaliya.
Mr Bruno waxa uu intaa raaciyay in dadka qaar ay ka baqanayaan in lagu khaldo dadka qaswadeyaasha ah.
Intaa tafaasiil ka badan kama uu bixin sababaha dadkani ay aqaladooda uga yaacayaan.
Sidoo kale QM ma aaney sheegin halka dadkani ay u qaxeen iyo degaanada ay ka qaxayaan.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com