|

Q/M oo meel marisay qaraar ciidamo lagu geynayo Waqooyiga Maali

New York Dec 2012 (SDN)–Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa amray in Ciidamo ay hogaamiyaan dowladdaha Africa lageeyo Waqooyiga dalka Mali si ay meesha uga saaraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya.

Golaha ayaa si loo dhan yahay ugu codeeyay in ciidamadaasi la siiyo muddo hal sano oo ay ka sameeyaan Waqooyiga Mali howlgal ay ku xidida siibayaan Kooxaha gacanta ku haya.

Ciidamada la geydoono Waqooyiga Mali ayaa qaban doono howlo ay ka midyihiin dib u dhiska siyaasada iyo tabarsiinta ciidamda dalkaasi Maali.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa sheegay in diyaariyeen 3,300 oo askari kuwaasi oo lagen doono dalka Mali, inkastoo howlgalka la filayo in uu bilaawdo waqti yar kaddib.

Kooxo si weyn u hubeysan oo ay qaarkood xiriir la leeyihiin ay la wareegay gacan ku hayenta Waqooyiga Mali markii Milatariga dalkaasi ay afganbiyeen bishii March dowladii dalka ka talineysay.

 SDN-New York

Comments are closed