|

QM oo kordhisay mudada ATMIS joogeyso

NY August 16, 2024(QJ)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyey xilliga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December, 2024-ka.

Golaha ammaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2748, oo u fasaxay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawgalada 12,626 askari ilaa dhammaadka sanadkan.

Qaraarka ayaa sidoo kale dhiirigelinaya deeq-bixiyeyaasha hadda iyo kuwa cusub labadaba si ay u taageeraan ATMIS. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa maamusha Sanduuqa taageero eeciidamada ammaanka Soomaaliya iyo qorshaha kala guurka ah ee lagu bedelayo ATMIS, taasoo u ogolaanaysa Soomaaliya inay xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Goluhu waxa uu ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in uu sii wado taageerada dhinaca saadka ah ee loo sii marinayo UNSOS, waxana uu goluhu go’aamiyay in la joogteeyo taageerada 20,900 oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo hawlgalo wada jir ah ama isku dubaridan kula jira ATMIS ilaa 31ka December.

Comments are closed