|

QM oo ka digtay qaraxyo ka dhaca Muqdisho

Muqdisho August 16, 2024(QJ)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee xarunta Xalane ayaa soo saaray digniino dhanka ammaanka ah, taasoo muujineysa inay dhici karaan weeraro argagixiso oo loo adeegsado walxaha qarxa oo ka dhici kara meelo kala duwan oo Muqdisho ah.

Digniintan ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu bartilmaansanayaa shaqaalaha ajanabiga ah ee fadhigoodu yahay caasimadda, iyadoo lagu sheegay in goobaha la weerari karo ay ka mid yihiin Hoteello, Koontaroolo ay ka mid yihiin kuwa ilaaliya Villa Somalia, iyo Xeebta Liido.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagula taliyay inay ka fogaadaan meelahan laga yaabo in la beegsado waxaana lagu dhiirigelinayaa inay joogaan guryahooda, xarumaha ammaankoodu sugan yahay, iyo meelaha kale ee nabdoon.

Digniintan amni ee ka soo baxday xarunta Xalane ayaa mararka qaar loo arkaa mid la aamini karo, balse mararka qaar waxaa loo arkaa kaliya tallaabooyin taxaddar ah oo la doonayo in lagu baraarujiyo shacabka.

Comments are closed