|

QM oo Itoobiya iyo Soomaaliya talo u soo jeediyay

NY February 19, 2024 (QJ) -Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeeshay doodo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, iyadoo looga hadlay arrimaha siyaasadda, bini’aadantinimada, dhaqaalaha, xuquuqul insaanka, nabadda iyo amniga.
Diblumaasiyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo wakiilo ka socday dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Shiinaha.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbadeeda ku xustay in heshiiskii dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ay Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay uuna ka abuuray dareen xooggan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sheegtay inay lama huraan tahay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto si looga hortago xasillooni darro kale.
Ms. Catriona Laing ayaa ku celisay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ahaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la ixtiraamayo Madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadallo nabadeed oo wax-ku-ool ah, kana fogaadaan adeegsiga ereyada kicinta ah ama ficillada sii kordhin kara xiisadda ama colaadda.
Wakiilo ka kala socday Mareykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa iyagna xaqiijiyay in dalalkooda ay taageerayaan midnimada dhuleed iyo mid siyaasadeed.

Comments are closed