QM oo dhuxusha ka iibsata Al Shabaab(WARBIXIN)
Nairobi Sept 23,2012(SDN)-Qaramada Midoobey ayaa dhuxusha ay u iibiyaan ciidamada AMISOM si ay raashin ugu karsadaan waxa ka faaiideeysta kooxda Al Shbaab,sidaana waxa lagu sheegay warbixn ay dhawaan daabacday kooxda la socodka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Kooxda la socodka Soomaaliya ee QM ayaa waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in kooxda Al Shabaab ay bishii 1.25 bil walba ay ka hesho canshuuro iyo iibka dhuxusha.
Madaxweynaha Mareykanka Mr Obama iyo gollaha amaanka ee QM ayaa hore u xarimay iibka Dhuxusha Soomaaliya oo dekhli fara badani uu ka soo galo Shabaabka.
“Ganacsiga dhuxushu waxa uu noqday ka ugu faaiidada badan ee kooxda Shabaabku ay macaashka ka hesho”ayaa lagu yiri warbixinta kooxda la socodka Soomaaliya.
Ilaa Bishii April ee ina dhaaftay QM waxa ay iibsatay dhuxul lagu qiyaasay 52 tons todobaad walba si raashin loogu kariyo ciidamada AMISOM.
Xafiiska QM u qaabilsan AMISOM oo xaruntiisu tahay Nairobi ayaa sheegay in aaney xaqiijin karin in dhuxushaasi ay ka timi magaalada Kismaayo oo weli ku jirta gacanta Al Shabaab.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in QM ay dhuxusha ka iibsato ashqaas iyo shirkado xiriir la leh qaar ka mida ururada Islamiga ah ee Soomaaliya sida Al Itixaad oo QM iyo Mareykanku hore ugu dareen kooxaha xiriirka la leh Al Qaacida.
Ka ganacsiga Dhxusha ayaaney khasaarihiisu ku koobneyn uun in Shabaabku aduun ka helo ee waxa ay xaaluf ba’an ku heysaa degaanka dadka Soomaaliyeed.
SDN-Nairobi
contact@somal