|

QM oo cusbooneysiisay cunaqabateynta Hubka Soomaaliya

NY November 20, 2023 (QJ) – Golaha Ammaanka ayaa kordhiyay mudada cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo ansixiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 9477 November 15, 2023.
ka dib shir looga hadlay xaaladda Soomaaliya, golaha ammaanka ayaa go’aamiyay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli khatar ku tahay nabadda caalamka.
Golaha amaanka ayaa sidoo kale dib u cusboonaysiiyay gudiga khubarada la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa 31ka December 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa tiroba dhawr jeer horay uga codsatay golaha ammaanka in laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in la helo hub lagula dagaalamo kooxda Al-Shabaab.
Cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la soo rogay bishii Janaayo 1992-kii markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo mamnuucaya in hub la geeyo Soomaaliya.

Comments are closed