Qiimihii Qaadka Kenya ka baxa oo hoos u dhac weyni ku yimi
Nairobi 18,2014(SDN/QJ)-Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in hoos u dhac baaxad lihi ku yimi qiimihii qaadka ee ay u iibgeeyaan dalka Soomaaliya.
Qiima dhacan ayaa waxa lagu micneeyay in uu ka dhashay ka dib kolkii uu gebi ahaanba xirmay suuqii Qaadka ee dalka UK.
Isla markaana ay beeraleyda dalka Kenya ay suuqyada ku qarqiyeen Qaad ay u waayeen meel kale oo ay u iib geeyaan.
Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in suuqyada Soomaaliya Mandheera iyo Gaarissa in ay ka faaiideen qaadkii UK loo iib geyn jiray oo haatan la soo dhoobay magaalooyinkaa.
Qiimaha ayaa hoos u dhacay ka dib kolkii suuqyadu xamili waayeen tirade Qaad ee suuqyadaan loo iib keenay.
“Soomaaliya ayaa haatan la geeyaa in ka badan toban ton oo dheeri ah,taas oo sababtay in kiishkii hore loo siin jiray Sh50,000 oo iminka maraya Sh20,000” sidaa waxa yiri Kimathi Munjuri oo ah afhayeen ahyad suuq geysa Qaadka oo la yidhaahdo Sakijo.
Dalka UK ayaa joojiya qaadka dalkooda loo iibgeeyo laguna cuno ka dib kolkii ay soo baxday in maandooriyuhu leeyahay dhibaatooyin caafimaad iyo mid Bulshaba.
SDN/QJ-Nairobi
contact@qurbejoog.com