Qaylo-dhaan Muuse Biixi u dirtay beeshiisa iyo xogta kulamadii Gabiley
Hargeysa. 13 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa laba maalmood ka hor wuxuu shir la yeeshay madax dhaqameedka iyo wax garadka deegaankiisa, gaar ahaan deegaanka Gabiley oo uu safar ku tagay xili uu ka qayb galayay qalin jabinta jaamacada Timacade isagoo dhanka kalana mashaariic kala duwan xadhiga ka jaray.
Muuse Biixi ayaa u sheegay beeshiisa “in dadka diidani ay yihiin oo kaliya hal beel oo Garxajis ah, kuwaas oo diidanaa madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal”, waa sida uu hadalka u dhigaye. Biixi ayaa intaa ku daray in uu deegaankiisa taageero uga baahan yahay maadaama beeshaasi aanay raali ka ahayn xukunkiisa, sababta ay mucaaradayaana ay tahay reernimo, waa sida uu u sheegay odayaasha e’.
Xogtan oo Qurbejoog ay ka heshay kulanka ayaa inataa ku dartay in Muuse Biixi uu sii waday kulamada hoose iyo shir doceedyada dadka ay ka go’do taladu, isagoo taageero raadinaya.
Hadalka madaxweynaha Somaliland ayay dadka wax falanqeeyaa ku tilmaameen mid uu kusii kala qaybinayo shacabka Somaliland isla markaana daaha ka faydaysa tuhunada ah in dagaal sokeeye u diyaar garoobay madaxweynaha Somaliland kaas oo ka dhan ah hal beel oo Garxajis ah, balse lama oga meesha uu ku danbayn doono damaca madaxweynuhu. Muuse Biixi ayaa sidoo kale raba in uu qiil u helo wax qabad la’aanta shantii sanno ee lasoo dhaafay ee xukuumadiisa isagoo reero dabada galinaya imika halka uu isku difaaci lahaa wax qabad iyo quluubta shacabka oo uu hanto xataa beesha uu ka cabanayo maadaama oo uu madaxweyne u yahay isagu.
Xogaha aanu hore uga helnay madaxtooyada Somaliland waxay tilmaamayaan in aanay ahayn markii koobaad ee madaxweynaha Somaliland beeshiisa u sheego in hal beel ay mucaarad ku tahay, balse marar badan oo hore uu ku cel celiyay.
Hubanti la’aanta ay Somaliland wajahayso ayaa sii kordhaysa maalinba ta ka danbaysa, lamana oga meesha ay wax ku danbayn doonaan.