|

Qaybtii Sadexaad ee Taxanihii Dhacdooyinkii Somaliland ee Sannadkii Tagay ee 2012

Hargaysa 05 Jan (SDN) Qaybtan waxaan si kooban isugu tul daagi doonaa Gogoshii Nabada ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay Gobolada Bari ee Somaliland .

07.08.2012 -12.08.2012

Mudo laba cisho ah oo ay ku sugnaayeen Caasimada dalka ee Hargaysa ayay ku wada gaadheen go’aamo Xaasaasi ah,isla markaana ku yaqiinsadeen in wada hadal iyo nabad buuxda lagu soo dhameeyo khilaafkii wakhtiga dheer ka taagnaa Deegaanka Buuhoodle,kadib markii ay Socdaal ku yimaadeen Hargaysa Ergo uu hogaaminayo Siyaasiga reer Buuhoodle ee Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay weheliyaan xubno Madax dhaqameedyo iyo waxgarad isugu jira,Iyagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo .

Qodobada ay Madaxweynaha iyo Ergada Reer Buuhoodle isla qaateen waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Qaranka Dib looga soo raro deegaamada Jiida hore ee Magaalada Buuhoodle,si taas badalkeeda ay bulshada iyo Xoolahaba ugu fududaato inay Ceelasha ku yaal jiidaas ka cabaan, hoosna loo dhigo sida ay xukuumadu cadaysay culayska dadka ka hayta ciidanka iyo in dawladu sii dayso Maxaabiistii ka soo jeeday deegaankaas ee lagu soo qabtay dagaaladii ay kala horyimaadeen Ciidamada Qaranka,Sidoo kale waxay labada dhinac is tuseen in la gaadhay wakhtigii uu caqligu talin lahaa lagana guuro in dirir iyo dagaal ay dad inagaga dhintaan.

Sidoo kale waxaa Ergada ka soo kicitintay deegaanka Buuhoodle la sii faray sidii ay bulshada jiidaas ku nool ugu waanin lahaayeen in nabad ay kula noolaadaan ummada Somaliland ee ay dhiiga iyo dhalashadaba wadaagaan.

Xukuumada Somaliland ayaa fulisay dalabkii uga yimid ergada reer Buuhoodle,Wefti uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqan galinta qadiyadan oo ay weheliyaan Ergada reer Buuhoodle ayaa Munaasibado ay ku sii sagootinayaan 68 Maxbuus waxay ku kala qabteen Magaalooyinka Caynabo iyo Qori Lugud.

Munaasibadahaas waxaa ka qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha,Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur,Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami , Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale,Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ) iyo ergadii uu Horkacayay siyaasiga reer Buuhoodle ee Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay weheliyaan xubno Madax dhaqameedyo iyo waxgarad isugu jira .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa ka hadlay qodobada ay isla qaateen xukuumadda iyo weftiga ka socday deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in labada dhinac ku heshiiyeen in nabada la adkeeyo isla markaasna ay Xukuumad ahaan aqbaleen dalab uga yimid Weftiga uu hogaaminayay Saleebaan Xaglo toosiye,kaas oo ah in Ciidamada Qaranka dib looga soo qaado Jiida deegaanka Buuhoodle iyo sii daynta 68 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii ciidanka qaranku soo qabteen deegaamada Buuhoodle dagaaladii ka dhacay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Iftiiminaya dadaalada nabada iyo talaabooyinka loo baahan yahay

Geesta kale Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa hadal waayeel oo nabada u adeegaya halkaas ka jeediyay Isla markaana sheegay In Xukuumada uu ka tirsan yahay ay nabada Siraad ku raadinayso.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in nabad wax ka qiimo badani aanay jirin,waxaanu ugu baaqay cid kasta oo tabasho qabtaa inay ka soo qayb galaan gogosha nabada ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” u fidiyay beelaha ku dhaqan gobolada bari .

 

 

Si kastaba ha ahaatee hawlgalkaas nabadaynta ayaan ilaa iminka aan la iman wax isbedel ah,Marka laga reebo hogaamiyihii Kooxdii SSC,Saleebaan Ciise Axmed oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Dibu dejinta iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo isna ka tirsanaa hogaankii SSC oo loo Magacaabay Wasiirul Dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari.

LA SOCO QAYB KALE OO KA MID AH DHACDOOYINKII SANNADKII TAGAY IYO SOMALILAND

Hargaysa SDN

Comments are closed