|

Qaybta Labaad Ee Xildhibaannadii Qawlkooda iyo Gacantoodu Kala Baydhay iyo Aragtidooddii xilligii Doodda

Hargeya:27-Sep-2013(SDN)- Maanta waxa aynu halkii ka sii Amba qaadi donna qormadeenii Taxanaha ahayd eek u saabsanayd Xildhibaanadii ku Guuldarraystay inay Is Waafajiyaan Garaadkooda iyo calooshooda, kuwaas  codkooda siiyey wax aanay aragti ahaan taageerasanayn si ay calooshooda u buuxsadaan.

xil raygalMaanta waxa aanu Halkan idiinku haynaa Lab aka mid ah xildhibaanaddii sida weyn uga horyimi markii Hore Xeerkan, balse markii dambe la arkay iyagoo gacantaaggii ka dhex muuqdaa.

Aynu ku bilowna’e Xildhibaan Ibraahim Axmed Reygal oo Dood Wanaagsan oo tayo leh dhiibtay, balse ku gunaanaday wax kale oo xil leh, ayaa maanta ugu horreeya xildhibaanada qormadani tooshka ku ifin doonto si bulshadu u barato Rabitaankiisa iyo dadnimadiisa.

Xildhibaanka ayaa Dooddiisa ku ibo furay sidatan:- “Gudoomiye iyo Goleweynaha waan salamayaa anuu waxaan soo jeedinayaa marka hore xeerkan qodobkiisa  10-aad Dacwadaha iyo Ciqaabta Iyada oo habka dacwad qaadista loo raacayo xeerarka habka meddaniga iyo ciqaabta, ciqaabaha lagu mutaysan karo jabinta xeerka waxaa loo raacayaa ciqaabaha ku xusan, Title III ee  The body of laws on Direct Taxation. Qof kasta oo jabiya qodobada Xeerka waxaa lagu ciqaabaya, ciqaabaha ku xusan:  Title V, ee xeerka the body of laws on Direct Taxation iyo xeerarka kale ee khuseeya, Kalmadaha ku qoran ee ingiriisiga ah waa ta koobaade mee Xeerkii laga soo naqdiyay.  In waddooyinka la-hagaajiyaa waa lagama maarmaan waayo waa kaabe dhaqaale oo muhiim ah, Haddaba dhaqaalaha hawshaas lagu qabanayaa ma aha cashuur cusub oo la saaro xoolaha iyo gaadiidka waayo waxay keeni kartaa tartanka suuqyada oo xooleheena lagaga dheereeyo, Xoolaha oo dekedaha kale ee mandaqada u wareega iyo Maciishada oo qofka caadiga ah ee wax iibsanaya kor ugu kacda hase yeeshee kharashyada wadooyinka lagu horumarinayaa waxay ka imankaraan:-   qaadka, Sigaarka, walxaha la iskuqurxiyo, xawaaladaha, Isgaadhsiintaiyotabarucaad, gaadiidka Raaxada  Waxaan soo jeedinayaa:-   Ha’ayadu waxaan u arkaa in ay madaxbanaanaato Xeerka lagu abuurayona marka hore la ansixiyo intaan cashuur loo waajibin,  islamarkaana kharashkeedu ka mid noqdo Miisaaniyad sanadeedka.”

Xildhibaanka Labaad ee isaguna maanta aanu Halkan idiinku soo gudbin doono ee Qawlkiisa iyo Gacantiisu kala baydheen, ayaa ah Axmed Maxamed Nuur oo dad badani u tirin jireen xildhibaanada Damirkoodu sii nool yahay.

Xildhibaankan, ayaa dooddiisa ku muujiyey sida ba’an ee uu uga soo Horjeedo Xeerkan Halaagga iyo dhiig-baxa ku ah Shacabka Reer Somaliland, waxana ay taasi keentay in dhinaca xubnaha mucaaradka ah iyo Bulshada dhexdeedaba uu ka noqdo nin laga qiimeeyo Ka Hor intii aanu Gacanta taagin oo aanay soo Bixin cidda dhabta ah ee uu yahay, waxana uu dooddiisa ku bilaabay: “shir-gudoonka, Mudanyaasha, Saxaafada iyo Marti sharafta dhamaantiin waan idin salaamayaa, Mudanyaal waxaynu ka warqabnaa oo ognahay dhibaatada dhaqaale xumo ee adag ee shacbigeena ku habsatey taas oo sababtey sicir bararka raashinka saara iyo shaqala’aanta baahsan, sidaas oo ay tahay Xukuumadani inay tudhaan eegayay shacbigeeda, shilingka la saaro Neefka Xoolaha ah isagoo laba jibaaran buu shacabka dib ugu soo noqonayaa oo neefka adhiga ah hadhow markey raashin ku badashaan waa la toban laabayaa, Waxaan filayay iyadoo Xukuumadu ku xisaabtameyso wakhtiga shacabigeenu ku jiro iyo baahiyaha dhaqaala xumo ee taagan, waxay ahayd inay baahiyaha lexuryga ah saarto cashuurta.

Halka xoolaha iyo gaadiidka laga saarayo waxaan ku wadey in Qaadka iyo sigaarka oo aan loo baahnayn iyo Cosmatics, Isgaadhsiinta iyo Xawaaladaha ay saarto cashuurtan lacagta Xoolahan ay saartey ka soo baxaysa toban laabkeeda baa kuwan ka soo baxaya, halkaa waxaa ka cadaatey in xukuumadani aanay u tudheyn shacabigeena, intii xukuumadani jirtey wixii ay inoo keento sidii hal dabo la’ baynu u ansixineynay, markaa waxaan leeyahay Maanta war ilaahay aynu ka baqno shacbigeena dhibaateysana aynu u tudhno inagu haday xukuumadu u tudhiweydey.

Waxaan leeyahay labadaa Qodob ee Cashuurta la saarey midna ma haboona eh, ha la Saaro waxyaabahaas aan soo sheegney ee aan loo baahneyn, iyadoo aynu ognahay dhibaatda manta Qaadku umadeena ku hayo kuwaas ayaa ku haboon in Cashuurta la saaro, Sidaa darted ma waafaqsani in labadaa la saaro Cashuurtan, waana taageersanahay in Cashuurta la kordhiyo oo wixii cashuurta lagu badin karoba la sameeyo.

Mudanayaal, Xeerkani Sharciguu baal marsanayahay, Wuxuu jideynayaa Cashuur, Wasaaradii Maaliyaduna mey soo Gudbin Xeerkan, kumana Cadda Xeerka lacagtaasi Cida gacanteeda galeyso,  Markaa waxaan leeyahay halkaana Sharcigan hala celiyo Wasaarada Maaliyada ha soo maro iyaduna miisaaniyadu Miisaaniyad Sanadeedka ha ku so darsato iyadoo Cashuurta la saarayo Waxyaabahaa aan loo baahneyn.

Mida kale, Xeerkan intii inana yaaley inagoo Gacanta ku haynaa hadana la badaley, halkii neefka adhiga ka ahaa $1, 4500 oo shilling baa laga dhigey, waxaa kaloo lagu soo darey Qodob Gudi lagu magacaabayo, Markaa Xeer aynu Gacanta ku hayno in Gudi lagu soo daro mey ahayn, Qodobka 11aad baa ku jira halkaa waxay inoo cadeynaysaa inaanu Xeerkani soo marin Wasaaradii Maaliyada isla markaana aanu mari doonin.  Marka Xeerkani Sharciguu baal marsanyahay, Cashuur lama diidana laakiin waxaanu u diidanahay Xoolaha iyo Gaadiidka in la saaro waayo ma qaadi karaan, gawaadhideena waxaad arkeysaa gaadhi kaa horeeya oo qof traffic ah markuu arko shakal galinaya oo cararaya wuxuu u cararayaa wuxuu kari la’yahay Lacagtii wadda marista, kaasa hadana la leeyahay wax kale ha la saaro.

Xildhibaankan ayaa ugu dambayntii Soo Jeediyey, sidan, “Xeerkaasu Sharciga ma waafaqsana, Wasaarada Maaliyadu shaqo kuma laha oo Meel kalaa loo wadaa, Markaa waa in Xeerkaa laga fiirsadaa, Cashuurtana Meelaha aan soo sheegay hala saaro oo Xoolaha iyo Gaadiidka ha laga daayo, Xeerkana Wasaarada Maaliyada ha lagu celiyo oo Miisaaniyad Sanadeedka ha ku soo darto Cashuurahaas iyadoo laga taxadirayo Xoolaha iyo Gaadiidka. “

 

Labadan xildhibaan oo Maanta ah qaar aan wax karaamo iyo sharaf midna ku lahayn Umadda Dhexdeeda, ayaa markii dambe si dhuumasho ah xeerkan gacanta ugu taagay, waxana ay taasi caddaynaysaa  sida ay Godka dheer ugu dhacday  karaamadii, sharaftii iyo milgihii uu qofka xildhibaanka ahi lahaan jire, waxana ay noqdeen kuwo u tartama lacagta Xaaraanta ah ee La siiyo si looga dhamaysto dano gaar ahaaneed.

La soco xildhibaanno kale oo iyagoo sharaf iyo karaamo lahaa heeryadoodii dub u cunay………A

Comments are closed