|

Qaxoonti Somaliyeed oo Hay’ada UNHCR ay Abaal Marin Gudoonsiinayso

Nairobi 20.June 2014 (SDN/QJ)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta ku dhawaaqday magacyada 9 qof oo qaxooti ah oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo ku guuleystay abaal-marinno, kuna kala sugan dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Yemen.

Dadka abaal-marinnada la siinayo oo ku tartamay saddex waxyaabood oo kala ah curin qoraal ah, hal-abuur iyo farshaxan ayaa kala ah Saciid Maxamuud Ciise, Xuseen Xasan Daahir, Cabdullaahi Cabdi Xasan, Barre Sheekh Cabdullaahi, Bashiir Xaaji Maxamuud, Cabdullaahi Yuusuf Aadan, Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cismaan, Cabdi Maxamed Cabdi iyo Maxamed Koronto.

Madaxa UNHCR ee Soomaaliya, Alessandra Morelli ayaa sheegtay inay tartanka ugu talagaleen in lagu dhiirrigeliyo dadka qaxootiga ah, laguna soo bandhigo dhibaatooyinka haysta.

Ku dhawaaqista abaal-marinta ayaa lagu soo beegay xuska maalinta qaxootiga adduunka oo ku beegan 20-ka June.

In ka badan hal milyan oo qof oo qaxooti ah ayaa ku nool dalalka Bariga Afrika, halka dad lagu qiyaasay 1.1 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

Nairobi SDN/QJ

contact@somalidiasporanews.com

contact@qurbejoog.com

Comments are closed