Qarax Bam oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan
Baladweyne Feb 12 2013 (SDN)— Qarax Bam baano ayaa galabta waxaa uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Ciidamo Amisom iyo dowlada ay amaankeeda ay ilaaliyaan.
Sida Shabakada SDN uu u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Gobolka Hiiraan Axmad Cismaan Inji qaraxa ayaa ka dhacay xaafada howl Wadaag.
Bamka ayaa lagu tuuray goob maqaaxi ah waxaana ku dhintay hal ruux mid kalana waa uu ku dhaawacmay.
Laakiin Axmad Cismaan Inji ayaa inoo sheegay in ruuxa bamka tuuray iyo labo kale oo la socotay ay gacanta ku dhigeen.
Weerarad noocaan oo kale ayaa waxaa lala bartilmaameedsadaa Ciidamada dowlada balse Axmad Inji waxaa uu sheegay in shacabka la rabay oo aysan wax ciidan joogin waa sida uu hadalka u dhigay.
SDN-Baladweyne