|

Qawlka Dambe Uun Raac Ha Qawadine

caloolMarka hore waxa mahad aan la soo koobi Karin iska leh allaha qaadirkaa ee inoo ogolaaday inaan nabad iyo nagaasho ku noolaano, isla markaana inagu manaystay nimcada iimaanka iyo nimcooyinka kale ee aynaan koobi Karin .

Waxa iyaguna mahad balaadhan leh barbaarta warbaahinta iyo guud ahaan bahda saxaafada soomaaliland ee u adeegaya bulshadooda

Waxa iyaguna iga mudan karaamo, qadarin, tixgalin, iyo maamuuskaba akhyaarta sharafta leh ee akhrista maqaaladayda iyo inta kale ee aanu isku dareemka nahayba……

Maalmo ay dusheena hogonaysay ceeryaamo siyaasadeed oo naxli iyo niyad xumo xambaarsan, maalmo ay dhagaheena dhageheena daashadeen erayo qadaf iyo qaran jab xambaarsan, maalmo dhallinyaro, siyaasiyiin , odayaal iyo haweenba aynu dhiidhiga wada galnay, maalmo xaalkeenu ahaa waxba dhawran mayno, ugu dambayb waxay martay jidkii lagu yaqaanay ee ahaa tanaasul iyo talo wadaag, waxayse cashar u tahay inteena maalmahaas u taqaana kuwo dheef iyo dheemaal laga raadiyo….

 

Maqaalkan aad aragtaan ciwaankiisa uguma dan lihi xumaan iyo qalooctoona, xaasha ee waa mid aan ku boorinayo go,aankii  uu maanta ( shalay) Muuse Biixi ku dhawaaqay isla sidoo kalena aan doonayo inaan ku tilmaamo dadkii ay muuse biixi isku afkaarta ahaayeen ama  haybta ku taageerayay oo aan I dhaahdo wali idinkana toobada siyaasadu way idiin furan tahay.

Hadaan hadaba akhriste u soo daadago dulucda maqaalkana kooban sidaan ka war qabano ama intiina badani aad la socotaan waxa waayadan ugu dambeeyay jiray murano siyaasadeed oo ku salaysan iiga kac iyo u kaadi taas oo ah sunaha siyaasada ama  marjaca kaliya ee ay siyaasadu leedahay hadaba waxaad ka war qabtaan inay ergadii golaha guutidu arinkaa xaliyeen oo ay ka soo saareen qodoba lagu qancay  oo ay soo wada dhaweeyeen dhinacyadii isku hayay , waxa iyaduna xusid mudan in arinkaa siyaasada ee isla xisbiga kulmiye ay ka dhalatay xaajo ay soomaaliland hore ugu soo gudubtay oo ah in af beelaysan ama reeraysan  lagula saftay garabka muuse biixi siday doontaba xaalku ha ku yimaadee  xaajadaas reeraha ayaa waxay gaadhay in ganacsada bidhaanta u ah ummadda afka soomaliga ku hadasha u ah ama astaanta geesta afrika ah in la gaadhsiiyo gef iyo deel qaaf aanay u qalmin, arinkaas oo ah xaajo ugub ku ah bulshadeena.

Hadaba akhriste waxa ay xaqiiqdu tahay oo aan marnaba la dafiri Karin ama aan la iska indho tiri Karin inaanay siyaasadu lahayn meel toos oo loogu soo hagaaga iyo wax lagu cabiro oo ay tahay wax mar walba is badalaya , sidoo kale siyaasadu waa arin ka madax banaan  reero ama beelo waayo  siyaasadu waa shay loogu adeego bulsho isla markaana waa arin u baahan xulufo ka badan qabiil taas ayaa ka saaraysa inay beelo noqoto .

Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalka akhriste markii la xaliyay khilaafka ee garawshiyo ay ka bixiyeen garabyadu wali waxa hadana aan hadhin oo sii taagnaa in dadkii sida kale ee aan ahayn marjaca siyaasada wax u arkayay waxay wadeen hadalo iyo shir doceedyo isla markaana iyagoo ku andacoonaya ama xujo ka dhiganayay muuse wuxuu qaatay samir taagwaa oo muu helin wixii uu xaq u lahaa mooji balse meel sawirkaas qaldine iska tusaye, waxaanay inta badan markaad u fiirsato dalo ka dhiganayeen in muuse la tartamayo siilaanyo isla markaana aanay muuse ka hayn wax qanaca balse xaajadaas waxa maanta soo gunaanaday muuse biixi laftiisa isagoo jir jaraa,id  oo uu qabtay ku iftiimiyay inay haboon tahay isla markaana  ay tahay mid loo baahan yahay in hayaanka hore loo sii wado oo aanay ahayn in dib oo noqdo isla sidoo kalena ay siyaasadu tahay ciyaar aan la garanayn meel ay ku dhamaato waajibna ay tahay in madaxweynaha aan lala tartamin loona baahan yahay in shanta sano ee soo socota hadii Alle idmo loo cumaamado isaguna uu garab taagnaanayo meel kale oo uu u socdaana aanay jirin sidii laysugu duubnaana  loo sii wado waxaanan leeyahay muuse wuxuu qaatay talaabo ah garawshiyo uu ka garaabay in xaalka uu waday aanay ahayn mid saxa isla markaana uu ka bixiyay talaabadii ugu haboonayd ee uu ku sixi lahaa wixii ka qaldamay.

Sidaas oo kale waxa ku waajiba cid kasta oo siyaasiyiinta iyo xaajadan taaganba ku soo kala dhawaysanaysay  abtirsiin iyo isir wadaag inay arinkaa ka  ka soo noqdaan isla markaana ay iska qaadaan caadka indhaha ka saaran oo ay xaajada iyo arinka ka saaran caadifada iyo humaaga oo ay ku eegaan qalbi san oo ladifan oo bilaa turxaan ah isla markaana ay ku soo noqdaan toobada siyaasada oo ah qabiil la,aan iyo qaranimo.

Xaajaduna kuma samo baxayso socodka qaarkii iyo sal-fudayd, runtuna waa kama rays oo wataa bishu budulka ka soo baxday.

Waxaana dhamaan inagu waajib ah inaynu danta gaara ka horaysiino danta guud iyo waxaynu leenahay siiba dhalinyaradana waxa ku waajiba inay ka fikiraan mustaqabalkooga maanta iyo mustaqabalka jiilka ka dambeeyay oo aanay arimaha siyaasada ku milmin balse ay la yimaadaan siyaasad hufan oo lagu horumiyo mushkilaha taagan ee iyaga iyo wadankaba u gaarka ah si jiilka dambe uu u helo wado wanaagsan oo ay sii amba qaadaan oo dhaxal gal u noqoto.

Waxaan ka cudur daaranayaa cidii dhibsata maqaalkaygan ee u aragta inuu gef iyo meel ka dhac ku yahay ugama dan lihi sidaan hore u xusan deel-qaaf iyo ku xumayn balse waa iga nasteexo iyo tilmaan aan u arkay inay ku haboon tahay balse waa qaldanaan karaa markaa waan ka cudur daaranayaa hadii uu cid dhibo inay iga raali ahaadaan

 

 

QALINKII: Liban Ismail Abdilahi

EMAIL: Liibaanhanad79@gmail.com

 

 

Comments are closed