Qareenada nin loo heysto in uu lug ku lahaa dhalinyaro Minneapolis ka tagtay oo Shabaabka ku biiray oo weeraray markhaatiyo maxkamad la hor keenay
Minneapolis Oct 07,2012(SDN)-Qareenada Maxamuud Siciid Cumar oo loo heysto in uu abaabulay kharashna ku bixiyay dhalintii Soomaaliyeed ee ka tegtay Minneapolis ee ku biirtay Shabaabka ayaa eedo huwiyay mid ka mida markhaatiyadii ay xeer ilaalintu hor krrntay maxkamada.
Andrew Birrell oo ka mida qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa sheegay in Cabdifitaax Yusuf Ciise oo ku markhaati furay Maxamuud Siciid in uu yahay nin hore u qirtay in uu Shabaabka ka tirsanaa isla markaana haatan doonaya in xariga laga dhimo.
Qareenka ayaa sheegay in Cabdifitaax uu markhaati furka ku doorsanayo hoos u dhiga mudada xadhiga ee lagu xukumi doono.
Cabdifitaax ayaa maxkamada ka hor sheegay in uu arkay Maxamuud Siciid eedeysanaha oo lacag siinaya mid ka mida dhalaintii Muqdisho tagatay si ay Shababaka ugu biiraan.
Sidoo kale waxa maxkamada laga harsheegay xiriir ay labadan nin lahaayeen kolkii ay Soomaaliya ka soo noqdeen oo ay uga sheekeysanayeen kolba halka xaaladu mareyso.
ilaa todobo ruux ayaa lagu soo oogay dacwado la xidhiidha dhalintii Minneapolis ka tagatay ee Shabaabka ku biiray.
Maxamuud Siciid ayaa ah ruuxii u horeeyay ee dacwadiisa ay dhegeysato maxkamad.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com