Qaraxyo xoogan oo Saakay Gil-gilay Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose
Marka June 06 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya dagmada marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku waramayaa in qaraxyo xogaan saakay ay halkaasi ka dhaceen.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan Telfonka kula xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in qaraxayada lala bartilmaameedsaday Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabada Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxyada laakiin waxaa la sheegayaa in qaraxyadu ay ahaayeen kuwa xoogan oo dhawaqooda laga maqlayay Magaalada oo dhan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo Ismiidaamin oo lala bartilmaameedsaday xarumo ay AMISOM iyo ciidamada dowladda ay ku suganaayeen laakiin warkaas xaqiijin madax banaan looma helin.
Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Amaanka dagmada Marka oo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa ku tilmaamtay wixii ka dhacay Marka qaraxyo yar oo ahaa bombaanooyinka gacanta laga tuuro.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaasi mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay AMISOM.
SDN-Marka