Qaraxyo ruxay magaalada Dimishiq ee Suuriya
Dimishiq Mar 17,2012(SDN)-Wasaaradda caafimaadka ee dalka Suuriya ayaa maanta sheegatay in ay dhinteen todoba iyo labaatan qof, halka tiro badanina ku dhaawacantay ka dib markii laba qaraxay ka dhaceen caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.
Saraakiisha caafimaadku waxa ay intaasi ku dareen in qaraxii u horeeyey ka dhacay xarunta saldhiga ciidamda wardoonka ee dalkaasi, halka qaraxa kalena uu ka dhacay irida xaruna television-ka iyo idaacadda qaranka dalkaasi, taasoo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.
Dhinaca kale, maamulka Suuriya waxa ay ku eedeeyeen labadaasi qarax kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda xukuumadda dalkaasi ee rabshadaha iyo dagaalka ka wada dalkaasi.
Waxana labadan qarax ay ka dembeeyeen markii ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay iyo jaamacadda carabtu u igmatay xal u helida dalkaasi Mr Koofi Anan uu sheegay in uu dalkasi u diri doono goob jooga yaal caalami ah oo ka warama xaaladda runta ah ee dalkaasi ka jira
SDN-Dimishiq