Qaraxyo qasaaro geystay oo caawa ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalda Nairobi ee dalka Kenya
Nairobi Dec 19 2012 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in qaraxyo bombaano oo aad u xoogan ay caawa ka dhaceen Xaafada Islii ee Soomaalid ay ku badan tahay.
Goobjoogayaal ku sugan xaafada Islii ayaa u sheegay Qurbejoog.com in qaraxu uu ka dhacay salaadii ceshaha kaddib meel u dhaw masjidka Al-Amiin ee ku yaala xaafadaasi.
Qasaaraha ugu badan ayaa waxa uu soo gaaray dadkii ka soobaxay masjidka ee soo tukaday salaada ceshe waxaana ciidamada booliska Kenya ay sheegeen in ay hayaa labo qof uu waxyeelo soo gaartay.
“Qarax ayaa ka dhacay Islii wax yar ka hor, waanaxnay waan walwlasanahay, waxa uu ka dhacay meel u dhaw masjidka Al-Amiin” sidaasi waxaa sheegay goobjooge ku sugan xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
Wali majiro qasaaro rasmi ah oo ka dhashay qaraxaasi oo la shaciyay hase ahaatee xaalada Xaafada Islii ayaa kacsan waxaana dadka Soomaalida ay ka baqdin qabaan in halkaasi laga sameeyo howlgalo raaf ah.
Maalmihii danbe waxa ka soconayay dalka Kenya howlgalo Ammaanka lagu xaqiijinayo iyadoo qaxootiga Soomaalidana lagu amray in ay aadaan Dhadhaab maadaama lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaadanayaan Amnidarada Kenya ka jirta.
SDN- Nairobi