|

Qaraxyo lala beegsaday guro madax degentahay oo Baydhabo ku yaal

Baydhabo May 13, 2024 (QJ) -Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan weeraradii shalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo ay fuliyeen Al-Shabaab.

Weeraradan oo tiradooda lagu sheegay labo ayaa waxaa lala beegsaday guryo ku yaala magaalada oo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradan, oo ay sheegteen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Dhanka kale ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa baaritaanno xooggan ka wada magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la doonayo in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan weeraradan iyo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga ee ciidamada ay sameeyeen.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal isugu jira dilal iyo weeraro ay geysanayaan Al-Shabaab oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalada iyo deegaanada kale ee hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Comments are closed