Qaraxyo Culus oo ka Dhacay Lubnaan 27 Qof oo ku dhintay iyo 300 oo ku dhaawacmay
Dadka shiicada ayaa aad u taageersan maamulka madaxweyne Bashaar al Asad oo ay gacanta ku hayaan Calawiyiinta oo caqiida ahaan u dhow shiicada, laakin dadka sunniyiinta ah ee Lubnaan ayaa taageersan kooxaha ka soo horjeeda dawladda Syria o u badan dadka sunniyiinta ah.
Kooxda Xizbullah ayaa hore u sheegtay inay qayb ka yihiin dagaalka ka socda Syria iyaga oo taageeraya ciidamada maamulka Bashaar al Asad.
Qarxaydan maanta ayaa ku soo beegmaya iyada todobaadkii hore ay koox sunniyiin ah oo isku magacaabay “Guutada Caa’isha Bintu Abibakar” ay sheegteen inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin taageerayaasha Xizbullah, kaasi oo ay ku dhinteen 22 qof.